KAALINTA WARBAAHINTA KU LEEDAHAY HORUMARINTA BULSHADA

Kaalinta Warbaahinta ku leedahay horumarinta bulshada waa mid aad u ballaaran, Warbaahinta ayaa kaalin aasaasi ah ku leh nolosha qofka iyo bulshada, waxayna ka qeyb qaadataa barbaarinta bulshada, iyo qaabeynta ra’yiga dadweynaha, waxayna saameyn xoogan ku leedahay dhinacyo badan oo nolosha bulshada, sida waxbarashada , Dhaqaalah , dhaqan iyo siyaasadda.

Waxaana muhiim ah in looga faa’iideysto kaalinta muga weyn ee warbaahinta taasoo  noqo karta macalin , barbaariye iyo jiheeyaha tubta saxda ah hadi si fiican looga adeegsado.

Waxaa shaki ku jiran kaalinta muga weyn ee warbaahinta leedahay maanta madaama ay warbaahinto ay noqotay mid si casriyoobaysa ama waxa looyaqaao “New Media” oo ah mid aad u leh sameeyn waxan lagu hagaajin karo bulshada kasta .

Sidoo kale  warbaahintuna waxay leedahay awoodo aad u ballaaran oo loo isticmaali karo  wacyigelinta bulshada nuucada kale duwan, gaar ahaa Warbaahinta maqalka iyo muqaal  ah  in lagu gaaro himilooyinka soo socda:

  1. Bixinta macluumaadka iyo waxbarashada guud ahaan .
  2. Isdhexgalka bulshada:Tani waxay gacan ka geysaneysaa kor u qaadista isdhexgalka bulshada, waxay horseed u tahay horumarka wacyigooda bulshada.
  3. wadahadal: Geedi socodka isdhaafsiga fikradaha ku saabsan xaqiiqda dhabta ah, si looga wada hadlo loona caddeeyo fikradaha kala duwan, iskuna dayga in heshiis laga gaaro arrimaha taagan.
  4. Tacliinta: iyadoo kor loo qaadayo horumarka sayniska , dhaqanka iyo fidinta aqoonta bulshada waxa warbaahinta ka qaadan kartaa kaalin muhiim ah in aqoonta kor loogu qaado.
  5. Hormarinta dhaqaalah : warbaahintu waxay ay kaalin iyadoo ka geysaneysa hormarinta ganacsiga, iyadoo la adeegsanayo xayeysiinta iyo suuqgeynta adeegyada iyo alaabada loo baandhigo bulshada.
  6. Ka qaybqaadashada go’aan gaarista: si heshiis wadareed loo gaaro go’aan, waxay u baahan tahay isbeddel ku dhaca habdhaqanka iyo caadooyinka bulshada .

WQ: Axmed Geesood