Maalin kasta waxaa u shaqo taga howlaha qaadka dumar iyo rag dhallinyaro ah oo ku howlaha arimaha jaadka.
Mootooyin Bajaaj badan ayaa ka macaasha soo qaadista qaadka oo keena goobaha karada lagu iibiyo, halka kuwo kale ka shaqeystaan sidaasi oo kale qeybinta jaadka, sidaasi oo ay tahay ayaa haweenku ku badan yihiin ka ganacsiga qaadka hareeriga ah taasoo haatan ka duwan kuwii hore loo yiqiinay ee hareerigii awadeedee, kii caadiga ahaa, dabo musmaar, iyo qode.
Waa howl ay u go’doomeen dad gaar ah oo qabatimay ka ganacsiga qaadka in ay ka soo saaraan howlmaameedkooda.
Qofba waa tabartiiyee qaar baa aad uga sareeya oo soo qaataa saami badan ayagoo leh macaamiil bile ah oo ay u qadimaan, halka qaarna aysan awoodi karin in ay sii siiyaan macaamiisha inta ay iibiyaanba reerka ku dabaraan.
Qaadka miirowga ayaa lagu arkaaa meelaha lagu gado qaadka hareeeiga ah balse haataan kuwa qayila ayaa la qabsaday nooca hareeriga oo ay ku barjeeyaan ku qayilaan
Inkastoo qaadku leeyahay dhibaato dhaqaale iyo mid caafimaad marka loo eego isticmaalkiisa.
Kuwa qayila ayaa waxay isku dhaafiyaan waqtiga ayagoo ku maaragoow isku madadaaliya oo ka dhigtay balwad qaar baa sigaar ku caba, halka qaarna kaliya ay ku qayilaan shaax iyo sharaab.
Gobolada dalka ayaa si weyn looga ganacsadaa qaadka, gobolada waqooyin, puntland, koonfur galbeed, galmudug, jubaland, hirshabeelle iyo gobolka banaadir.
Waaa ganacsi ay ku baxdo lacag adag oo badan hadana waana howl maalmeed dad badani ay la qabsadeen.
Arintu si kastaba ha ahaatee joojinta jaadka ayaa hore oga daalay maamulkii kacaanka oo xitaa la baabi’iyey beerihii qaadka ee tow wajaale waqooyiga soomaaliya hadana dib loo furay.
Waa dhaqan naga soo galay kolkii hore dalka yaman ku sii fidiyey waqooyiga soomaaliya hadana kol dambe soo gaaray koonfurta soomaaliya.
Dhinaca kale galbeedka soomaaliya ayaa la mid ah meelaha sida aadka looga isticmaalo qaadka.
Sidoo kale waqooyi bari kenya Nfd soomaalida degta iyo jabuuti ayaa si weyn looga isticmaalaa qaadka.
WQ: C/salaam M. Yaasiin