KA FEEJIGNOOW CUDURKA DUUMADA AMA MALLAARIYADA

Duumadu waa cudurka afka qalaad lagu yidhaahdo (Malaria). Waana mid ka mid ah xanuunnada faa- fa ee loo yaqaan (infectious diseases), sidoo kale waa mid ka mid ah xanuunnada ugu da’da wayn dunida, ee aadamaha ku dhaca.

Cudurka malaariyada waa cudur kudhaca unugyada dhiiga cas ee loo yaqaan (red blood cells) oo loosoo gaabiyo (RBC) wuxuuna aad ugu badan yahay meelaha biyo dageennada ah, malaariyada waxey kamid tahay cudurada ugu halista badan ee kudhaca dadka.

Duumadu waxay caan ku tahay dhulalka jooggoodu hooseeyo, wakhtiyada duumadu ugu sii badantahay waa xilli roobaadka, sida guga iyo dayrta.

Waqtigaan oo hadda dalkeena Soomaaliya uu ku jiro xilli roobaad waa waqtiyada cudurka Duumada ama Malariyada ay aadka u badan tahay waxayna si aad ah ugu nooshahay ama ay ka dhalataa goobaha biya dageenada ah iyadoo markaa ku faaftaa xaafadaha iyo guud ahaan deegaanka.

Habka ugu gudbinta badan ee cuddurkani Duumada ama Malariyada ku faaf-faa waa marka kaneecadu ka soo qaado dhiig qof qaba cudurka iyadoo qaniinyo kale ku dhufato qof kale oo ka fayow cudurka. waxay kasoo qaada dhiigga qofka qaba xanuunka duumada iyada oo dhiiggan wasakhaysan u gudbineysa qofkii an qabin xanuunka.

Qaadista duumada dadka u nugul waxaa kamida dumarka uurka leh waxay waxyeeli kartaa hooyada iyo ilmaha. Caruurta ayaa sidoo la sheega in ay kamid yihiin dadka u nugul cudurka duumada ama malariada.

Calamadaha ugu horeeya ee ka muuqan kara qofka duumada ama malaiyada hayso waxaa kamida Xumad aad u sareysa ama Qadh qadhyo oo ku timaada qofka marka ay ku cusubthay malariyada sidoo kale madax xanuun iyo daal ayaa kamida calaamadaha bilowga ah ee qofka iska dareemi karo.

Ka hortagga iyo wacyi galinta caafimaad ee cudurkaan waxaa ka wareesanay DR Zakariye Maxamuud Maxamed oo ka howlgala isbitaalka kalkaal waxa uu noo sheegay in cudurkaan duumada marka la raadinayo dawadiisa ay haboon tahay in marka hore la eego nooce kaneecada oo uu ula jeedo in duumada laf ahaanteeda heerar kala duwan ay leedahay taasoo lagu jaan-gooyo qofka xaddiga daawada ama daryeelka uu ubaahan yahay.

Waxa uu kale oo uu noo sheegay in cudurka looga hortagi karo ama looga gaashaaman karo xirashada shabaqa jiifka marka kaneecadu badan tahay ama waqtigeedii la joogo sida xili roobaadka, in guriga la iska jafo si aysan ugu raagin, waxaa kale oo uu noo sheegay Dr Zakariye in caruurta iyo hooyada ilmaha leh ay aad uga taxa-daraan maadaama ay u nugul yihiin cudurka.

Dr Zakariye ayaa intaa ku daray in qofka cudurka astaamihiisa isku arka in uu yareysan oo markiiba tago gooba lagu baaro ama lagu xaqiijiyo cudurka si aysan ugu balaaran oo heer aad u sareeya aysan ku gaarin.

WQ: Xuseen Xaaji Xasan (Shadoor