Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal iyo Saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray Taliska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ee deegaanka Buulo-gaduud.
Wefdiga ayaa waxaa ka qeyb ahaa Taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka, waxaana uu kala hadlay adkeynta Amniga, diyaar garowga howlgalada Khawaariijta looga xorreynayo deegaannada Maamulkaasi.
Dhanka kale, Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa soo kormeeray dhismaha waddo cusub ay Jubbaland ka hirgelineyso inta u dhaxeysa Deegaanada Buulogaduud iyo Jannaa Cabdlle oo dhowaan laga xoreeyay khawaariijta.