Jubbaland oo soo gabagabeysay doorashada lix xildhibaan oo qayb ka ah aqalka hoose ee BFS

Jubbaland ayaa soo gabgabaysay doorashada kuraasta lix mudane oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya , kuwaas oo ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Kursigii ugu horreeyay ayaa waxaa kusoo baxay Dr, Xamza Cabdi Barre oo helay 69 cod, halka  Axmed Maxamed Maxamuud oo la tartamayayna helay 17 cod, iyadoo kursiga labaad uu ku guuleystay, Cabdirashiid Jire Qalinle oo helay 75 cod, halka Siyaad Aadan Iidle oo la loollamayayna uu helay 20 cod, mudane , Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa isna kusoo baxay 71 cod, wuxuuna Maxamed Faarax Muxumed oo la tartamayay helay 20 cod.

Mudanaha afaraad ahaa ahaa, Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo mar kale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ee BFS, Caana-nuug ayaa helay 76 Cod, halka Ibraahim Cabdulle Ibraahim oo la tartamayey uu helay 19 Cod, Waxaana halaabay 4 cod.

Maryan Aweys Jaamac ayaa ku guuleysatay Kursiga shanaad, iyadoo heshay 83 cod , halka Saynab Cali Mugaange oo la tartamaysayna ay heshay 15 cod, waxaase kursiga u dambeeyay lixdii mudane ee maanta loollaayay kusoo baxday, Sahro Jaamac Cali oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahayd Xildhibaan, markii ay u tanasushay Fartuun Axmed Yuusuf oo la tartamaysay.