Jubbaland oo shaacisay doorashada 13 kursi ee golaha shacabka JFS

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay doorashada 13 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee degaan doorashadoodu tahay dowlada Goboleedka Jubbaland.

Kuraasta 13-ka aha ee la shaaciyay ayaa waxaa ku jir laba Dumar, waxaana la filayaa in dhawaan doorashadooda lagu qabato Magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa horay u shaaciyay liiska 14 Kursi oo dooraahadooda la qabanayo iyadoona sidookale horay loo qabaty doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadooda tahay Jubbaland

Halkan ka aqriso shaacinta doorashada 13-kursi