Jubbaland oo daah-furtay olole lagu daweynayo xoolaha nool

Wasiir kuxigeenka Waasaradda Xananada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubbaland Ibraahin Cabdi Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaradda Cabdullaahi Cali Faarax ayaa maanta daah-furay olole lagu daaweynayo Xoolaha nool, iyadoo abaaraha jira awgood ay xooluhu ku dhaceen cuduro kala duwan.

Wasaaraddu ayaa daaweyntan maanta ka bilowday nawaaxiga magaalada Kismaayo, barnaamijkan oo socon doona muddo 15-maalin ayaa waxaa la daaweyn doonaa ilaa 30 kun oo neef.

Qaar ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ayaa sheegay in daawayntan loo samaynayo xoolaha Jubbaland ay tahay mid xilligan loo baahnaa.