Jeneraal Odawaa oo sheegay in Ciidanka Xoogga ay dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in la fashiliyey weerar argagixiso oo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ay saaka waabarigii ku soo qaadeen deegaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan  gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha oo u waramayey Warbaahinta Qaranka ayaa qiray in Kooxdaasi argagixisada ah la gaarsiiyay jab,isla markaana ay halkaasi kaga carareen meydad iyo qalab kale.

Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in ay degan tahay xaaladda Bariire iyo Awdheegle,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay dabagal ku hayaan kooxahaasi iyo goobaha kale ee ay sida dhuumaaleysiga ah uga soo weerar tagaan