Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyadoo la fulinayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha dowladda inay hoos u dhigaan Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa muujinaysa dareenka walaaltinimo iyo garab istaagga ay Soomaaliya la wadaagayso Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib geerida ku timid Amiir Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aal Thaani.