Jab xooggan oo khwaarijta lagu gaarsiiyay Jalalaqsi

Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawarijta Al-Shabaab ayaa maanta ka socda  deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa qaaday ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, markii ay heleen xogta koox Khawaarij ah oo dooneysa inay dhinaca kale uga gudubto wabiga Shabeelle.

Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta, isla markaana la fashiliyey qorshihii ay uga gudbayeen deegaankaas