Jaamacadda Ummadda oo heshiiisyo la saxiixatay mac-hadyo iyo shirkado ku yaalla Shiinaha

Maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ku howlan xoojinta xiriirka iskaashi ee lala yeelanaayo caalamka,si kor loogu qaado nuucyada aqoonta ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan   ardayda dalka.

Guddoomiyaha Jaamacadda, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan dalka Shiinaha,waxayna heshiisyo is-afgarad (MoU) la saxiixdeen shirkadda HiSign Technology iyo Machadka China-Afrika.

Heashiisyadaan ayaa ah kuwo diiradda saaraya cilmi-baaris wadajir ah, isdhaafsiga khibradda, iyo horumarinta tayada waxbarashada dalka,iyagoo fursado cusub siinaya ardayda,isla markaana kor u qaadaya horumarka aqoonta ee dalka.