Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of Rwanda) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo Iskaashiga dhinacyada Waxbarashada Sare iyo Cilmi-baarista.
Heshiiska waxaa kala saxiixday Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Fu’aad Mire Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Ruwaanda ee Qorshaynta Istaraatiijiga ah iyo Arrimaha Maamulka, Dr. Raymond Ndikumana.
Iskaashigan ayaa diiradda saaraya xoojinta wada-shaqeynta Tacliimeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Ruwaanda, iyadoo la kobcinayo Cilmi-baarista wadajirka ah, is-dhaafsiga Aqoonta iyo Khibradaha, horumarinta awoodaha Aqoonyahannada iyo Ardayda, iyo sare u qaadista tayada Waxbarashada Sare.
Sidoo kale, Heshiiskan ayaa taageeraya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo Barashada Nabadda, xoojinta dib-u-heshiisiinta Qaran, kobcinta wadajirka Bulshada, iyo dhismaha Jiilal ku barbaara qiyamka Nabadda, dulqaadka, wada-noolaanshaha iyo Muwaadinnimada masuulka ah.
Heshiiska ayaa ka dhashay booqasho shaqo iyo wada-hadallo istaraatiiji ah oo ay Dalka Ruwaanda ku joogaan Wafdi uu hoggaaminayo Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ah Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.


