Jaamacadaha Afghanistan oo dib loo furay iyo dumarka oo ka tegaya fasaladooda

Qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka Afghanistan ayaa la furay maanta oo Arbaco ah, waana markii ugu horreysay tan iyo markii Daaliban ay la wareegeen awoodda dalkan bishii August ee sannadkii horre.
Daalibaan waa ay saluugsanaayeen in gabdhaha iyo wiilasha ay isku fasal wax ku bartaan, waxaana ay sheegeen in hadii dumarku tagaan xiisadaha ay la kulmi karaan galmo.
Inta badan dugsiyada sare iyo dhammaan jaamacadaha dowladda ayaa albaabada loo laabay wixii ka dambeeyay markii Daalibaan la wareegeen dalka ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Aasiya.
Dad badan ayaa aamisanaa mar haddii Daalibaan awoodda ku soo laabato in ay mamnuuci doonto waxbarashada dumarka, sidii dhacday xilligii ay dalka ka arriminayeen intii u dhexeysay 1996-dii illaa 2001-dii.
Zarlashta Xaqmal oo culuumta sharciga iyo cilmiga siyaasadda ka barata Jaamacadda Nangarhar ayaa sheegtey in ay ku faraxsan tahay in saaka ay dib u billaabato xiisadahoodii, laakin waxa ay walaac ka muujisay in ururka Daalibaan ay joojiyaan waxbarashadooda. Sida ay sheegtay AFP.
Jaamacadaha maanta dib loo furay ayaa kala ah Laghman, Nangarhar, Kandahar, Nimroz, Farah iyo Helmand, sida wakaaladda wararka AFP ay ku warrantey.
Qaar kale ayaa la qorsheeyay in ay dib uga howlgalaan dabayaaqada bishan.
Si kastaba, weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa arkay lix dumar ah oo keliya oo xiran xijaab iyo niqaab oo gelaya Jaamacadda Laghman aroortii horre ee Arbacada maanta ah.
Dagaalyahanno ka tirsan ururka Daaliban ayaa ilaalinayay albaabka laga soo galo Jaamacadda, waxaana u yaallay qori sida ka muuqda sawirrada qaar.
Mid ka mid ah howlwadeenada Jaamacadaha dib loo furay ayaa sheegay in fasallada la kala saari doono, iyadoo gabdhuhu wax la bari doono subaxii, raggana galabtii.
Daalibanka ayaa horrey u sheegay in aysan diidaneen waxbarashada dumarka, balse ay doonayaan in fasalada la kala saaro, manhajka waxbarashadana lagu saleeyo Diinta Islaamka.
Dib u furista qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka Afghanistan ayaa ku soo beegmaya todobaad uun ka dib markii wafdi ka socda Daaliban ay wadahadallo la yeesheen mas’uuliyiin reer galbeed ah oo ka socda Norway, waxaana kooxdan lagu caadinayaa horumarinta xuquuqda haweenka si loo siiyo balaayiin doollar oo iyo gargaarka dibadda ee la xayiray.
Joojinta gargaarka dalka Afghanistan ayaa abaaburay masiibo bini’aadantinimo oo ka dilaacday dalka, oo ay horray u burburiyeen dagaallo sokeeye tobanaan sano.
Ma jiro dal weli aqoonsday maamulka cusub ee Daaliban, oo ballan qaaday in uu wax badan ka baddeli doono nidaamkiisii horre.

W/D: Maxamed-Kaafi Cali Muumin