Ivory Coast oo diiwaangelisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola

Maamulka dalka Ivory Coast ayaa diiwaangaliyay kiiskii ugu horreeyay ee fayraska dhiig -baxa ee Ebola muddo 25 sano ah ka dib , sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas Pierre N’Gou Dimba.

Wasiirka  ayaa u sheegay telefishanka qaranka dalkasi in cudurkaasi la helay ka dib markii saraakiisha caafimaadka ay tijaabo dhanka dhiigga ah ka qaadeen haweeneey 18-sano jir ah oo ka soo safartay dalka deriska la ah ee Guinea.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in cudurkani yahay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola ee laga helo Ivory Coast marka laga yimaado sanadkii 1994.

Dalka Guinea ayaa horaantii toddobaadkan sidoo kale xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Marburg,oo ah mid wata  qandho dhiig -bax ah oo aad u faafa ,isla markaana  la mid ah Ebola.

Dalka Guinea waxaa sanadihii 2014-2016-kii  ka dilaacay cudurka Ebola,kaas oo dhaliyay dhimashada dad aad u badan,waxaana horaantii sanadkaan uu mar kale ku soo laabtan dalkaasi