ISTICMAALKA GAARIGA HOOMEYDA OO SII YARAANAYO

a u garan ogtahay (Caasi ama Bii’al) wuxuu soo baxay qiyaastii 2,000 ilaa 2001’dii waana mid ka mid ah gawaaridda  dadweyne oo inta oo inta badan ka shaqeeya u kala gooshida magaalooyinka Soomaaliya, kana dhex shaqeeya gudaha magaalooyinka dalka.

Caasiga ayaa ah gaari aad u dheereeya markii loo eego dhaqaaqiisa, wuxuuna ku socdaa xawaare dheereeya waa markuu yahay safar uu ugu kala gooshaya laba magaalo ama masaafo dheer.

Muddooyinkii dambe hoomeyda ayaa sii yaraaneysay taasoo loo sababaya in uu isticmaalkeeda yaraaday gudaha magaalooyinka dalka iyo safarada ay ugu bixi jirtay gobolada Soomaaliya.

Waa marka koowaade magaalooyinka ayey si saa’id ah ugu shaqeyn jirtay hoomeyda muddo ka badan 20sano oo ay adeegsan jireen dadweynaha, balse wakhtiyadii dambe waxaa meesha ka saartay oo beddelkeedi gashay gawaadhida raaxada oo ah kuwa si fudud loo isticmaali karo, kana qiimo yar caasiga, oo xawaare ahaan ka dheereeya, waxaa kaloo timid Mooto-Bajaaj oo iyadana marwalba la heli karo, suuqyada magaalooyinka iyo xaafadaha ka dhex shaqeyso.

Bajaajta ayaa buuxisay dhammaan adeegyaddii hoomeyda oo suuqa ka saartay, waloow aanay isku qaad ahayn oo ay caasiga qaad weyntahay haddane dadka ayaa aad u isticmaala bajaajta.

Intii ay khawaarijta dalka kal xirtay waa dib u dhac weyn ku yimid safaradii gobollada dalka loo aadi jiray, taasoo badanaa loo adeegsan jiray hoomeyda, waxaa hakad weyn ku yimid in aanay badan safaradda caasiga, taasoo laga cabsi qabay in ay Al-shabaab ummadda waxyeeleyso.

Dadweynihii ku safri jiray hoomeyda ayaa doorbiday in ay raacaan dayuurad iyagoo naftooda kala baqaya Al-shabaab.

Dhanka kale waxaa sabab u noqday in uu istaago socodka hoomeyda badanaa waddooyinka caasimadda oo xiran taasoo aanan u sahleyn in ay ku dhex shaqeystaan gudaha Xamar, taasoo kalana waxa ay ka jirtaa magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Caasiga ayaa faa’ido weyn lagu qabay, waxaana badanaa laga isticmaalaa gobolladda Xamar u dhow kuwasoo ku keeni jiray caana, xoolaha iyo khudaarta.

WQ: Cabdiweli Daljir