Isrel oo diidday baaqyada caalamiga ee xabbad-joojinta iyo duqeymo weli ku socda Lubnaan

Israa’iil ayaa diiday baaqyada caalamiga ah ee xabbad-joojinta Lubnaan,iyadoo sii wadda ololaha duqaynta oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof gudaha dalkaasi tan iyo Isniintii.

Aqalka Cad ayaa sheegay in baaqa caalamiga ah ee uu mareykanku hogaamiyo ee ku aadan xabad joojinta Lubnaan uu ahaa mid la soo abaabulay, inkastoo Israel ay diiday soo jeedintaasi.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israa’iil, iyadoo Tel Aviv ay xaqiijineyso in la siinaayo xirmo cusub oo ah $8.7bn oo gargaar milatari oo Mareykan ah.

Maamulka Gaza ayaa dhalleeceeyay anshax-xumada Israa’iil aykula dhaqantay Falastiiniyiinta ,kadib markii ciidanka ay dib u soo celiyeen 88 meyd  oo aan la aqoonsan karin.

Ma jiro wax calaamad ah oo ku saabsan xabbad-joojin laga hirgaliyo Lubnaan,iyadoo ololaha duqeynaha ciidanka Isrel ay weli ka socdaan dalkaasi oo illaa hadda tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 700.

Ugu yaraan 41,534 qof ayaa lagu dilay Gaza ,halka dhaawaca uu marayo 96,092 dagaalkii Israel ee bilowday sanadkii tagay.