Israel oo weerarada cirka ee Lubnaan ku korshisay ciidanka dhulka

Ciidanka Israa’iil ayaa gudaha u galay Lubnaan ka dib markii lagu dhawaaqay in howlgal xadidan oo dhulka ah ay la beegsanayaan kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay koonfurta Lubnaan .

Howlgalka dhulka ayaa la sheegay in ay barbar socdaan duqaymo xagga cirka ah oo lagu  qaaday xaafado dhowr ah oo dhaca koonfurta Beirut.

Duqeymo dhacay maalinimadii shalay ayaa lagu dilay ugu yaraan 95 qof, sida ay ku warantay Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan.

Dhanka kale,weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 11 qof, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu.

Qasa illaa hadda waxaa ku dhintay ugu yaraan 41,615 qof ,halka dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 96,359 ,kadib dagaalkii bilowday sanadkii tagay.