Isra’el oo Gaza ku dishay 81 qof 24-kii saac ee u dambeeyay

Wararka ka imaanaya Gaza ayaa sheegaya in ugu yaraan 81 ruux lagu dilay weerarro Israel ay ku bartilmaameedsatay guryo la degan yahay iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee ku yaalla Gaza.

“Dhammaan shuruucdii dagaalka waa la jebiyey”, iyadoo ugu yaraan siddeed dugsi oo ay degganaayeen  Falastiiniyiin barakacayaal ah la weerartay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, ayuu yiri Philippe Lazzarini  oo ah Madaxa Qaramada Midoobay u xilsaaran gargaarka dadka Falastiin (UNRWA).

Dhinaca kale,Riyad Mansour ergeyga Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dagaalka Israa’iil ee Gaza uu yahay xasuuqa ku diiwaangashan taariikhda.

Sidoo kale,Ergayga Washington ee UNSC ayaa sheegay in wax xoogaa horumar ah laga laga gaaray wadahadallada lagu raadinaayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhaqangasha Gaza, ka dib markii goluhu dalbaday arrintaasi ​​afar bilood kahor.

Ugu yaraan 38,794 qof ayaa la dilay, 89,364 kalana waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.