Israel oo duqeysay Lubnaan iyo Xisbullah oo gantaallo ku weerartay xarummo ciidan

Ugu yaraan 492 qof oo ay ku jiraan 35 carruur ah ayaa lagu dilay weerarro aan kala joogsi lahayn oo Israa’iil ay ku qaadday Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa gantaallo tiro badan ku riday saldhigyada ciidamada cirka ee Israa’iil iyadoo ka jawaabaysa dhimashada 492 ruux iyo dhaawacyada soo gaaray 1,645 oo kale.

Madaxda caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa  ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xaaladda,halka Turkiga uu ka digay in weerarka Israa’iil ee Lubnaan  uu gobolka oo dhan u jiidi karo fowdo.

Marinka Gaza,gaar ahaan bartamaha Deir el-Balah waxaa saacadihii la soo dhaafay weerarrada cirka ee Israa’iil ku dhintay ugu yaraan 24 qof, taas oo ay ku jireen hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay.

Tirada dadka Falastiin ee ay dileen Israel ayaa mareysa ugu yaraan 41,431 qof ,halka dhaawacana lagu sheegay 95,818 ruux.