Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay qaadeen mowjado duqeymo ah oo lala beegsaday xarunaha militariga Iran iyo goobaha nukliyeerka ee ku yaalla Iran .

Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa u digay Israa’iil,isagoo tilmaamay inay filayso ciqaab adag,ka dib weerarkaasi oo lagu dilay dhowr taliyeyaal iyo saynisyahano kale.

Maamulka Iran ayaa hakiyay duulimaadyadii garoonka caalamiga ah ee Tehran, iyadoo wakaaladaha wararka ay sheegayaan in dhismayaal ay degan yihiin dad rayid ah lagu duqeeyay caasimada Iran.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in howlgalka millatari ee lagu bartilmaameedsanaayo Iran ay sii socon doonaan inta loo baahdo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Maraykanku aysan wax lug ah ku  lahayn duqeymaha ,isagoo uga digay Iran inay weerarto saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla gobolka.