Israel ayaa dishay 12 qof, kadib markii ay saddex weerar oo kala duwan ku qaadey xerada qaxootiga ee Nuseirat, sida ay sheegeen shaqaalaha difaaca madaniga ah.
Sidoo kale Israel ayaa Dalka Yemen ku dishay ugu yaraan saddex qof, 87 kalena ku dhaawacday weerar xagga cirka oo lala beegsaday xarunta kaydka saliidda iyo warshadda korontada ee magaalada dekedda ah ee Xudeyda.
Weeraro Israel qaaday ayaa sidoo kale waxay ka dhaceen koonfurta Lubnaan kuwaasoo sababay dhaawacyo sida ay sheeheen saraakiil la hadlay wakaaladaha wararka.
Weerarada Israel ee Yemen iyo Lubnaan ayaa imaanaya xilli maalmihii tagay gudaha Israel lala beegsaday duqeymo ay fuliyeen diyaradaha aan duuliyaha laheyn.
Sidoo kale Weerarada Israa’iil ayaa ku soo beegmay iyadoo caalamku ay ku baaqeen in la soo afjaro qabsashada Israa’iil ee dhulka falastiiniyiinta, ka dib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).