Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay masaajid ku yaalla bartamaha Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah,halka la soo weriyay tiro kale oo dhaawacyo ah.

Sidoo kale,milateriga Israa’iil ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ka geystay xaafadaha koonfureed ee Beirut,waxaana illaa hadda jira khasaarooyin,balse ma cadda tirada dhimashada duqeymana Israel.

Wararka ka imaanaya Lubnaan ayaa sheegay in tan iyo maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay uu lumay xiriirkii kooxda Xisbulah ay la laheyd guddoomiyaha golaha fulinta Hashem Safieddine, kaas oo si weyn loogu tuhunsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha xiga ee kooxda.

Dhinaca kale, tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah  waddooyinka magaalooyinka caalamka – laga soo bilaabo Paris ilaa New York iyo Cape Town, iyagoo ku baaqaya in la soo afjaro dagaalka Israa’iil ee Gaza oo socda muddo sanad ah.

Qaza, tirada dhimashada ayaa gaareysa ugu yaraan 41,825 qof,halka Lubnaan la sheegayo in tirade dhimashada ay kor u dhaaftay 1119 ruux (kun boqol iyo toban iyo sagaal.