Israel oo dishay 40 Falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warantay in ugu yaraan 40 qof ay dhinteen, 71 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israel ee dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Meydadka ​​90 Falastiiniyiin ah oo aan la aqoonsan ,isla markaana ay haayeen ciidamada Israa’iil muddo bilo ah ayaa lagu celiyay Qaza waxaana lagu aasay xabaal wadareed, sida ay sheegtay wakaaladda difaaca rayidka ee Gaza.

Dhinaca kale,Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Volker Turk ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda ka taagan bariga dhexe, sababo la xiriira cabsi laga qabo in dagaalka Qaza uu sii fido.

Nafaqo-darida heysata carruurta ee marinka Gaza ayaa kor u kacday ku dhawaad ​​50 boqolkiiba bishii Luulyo marka la barbar dhigo Juun, iyada oo in ka badan 650 carruur Falastiiniyiin ah ay hadda la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an oo ka jirta gudaha deegaanada Gaza, Qaramada Midoobay ayaa sidaa sheegtay.

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa mareysa 39623, halka 91469 uu gaaray dhaawaca laga soo bilaabo dagalkii bilowday 7 dii Oktoobar.