Israa’iil oo falal xasuuq ah ka geystay xerada Jenin ee dhulka Falastiin

Ciidamada Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xerada qaxootiga ee Jenin, halkaas oo ay ku dileen saddex falastiiniyiin ah, isla markaana ay ku dhaawaceen ugu yaraan 37 kale.

Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee manta oo Isniin ah, waxaana askarta Israa’iil ay gudaha u galeen xerada, iyagoo adeegsaday rasaas nool, bam-gacmeedyo iyo gaaska sunta ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa magacyada dadka dhintay ku sheegtay Khaled Darwish 21, Qassam Sariya 19, iyo Ahmed Saqr 15-jir.

Milateriga Israa’iil ayaa la sheegay in ay raadinaayeen dad lagu tuhmat in ay joogeen xerada qaxootiga ee Jenin,waxaana halkaasi ka dhacay rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen kooxaha Falastiin iyo ciidamada Israa’iil .