Israa’iil oo duqeysay koofurta caasimadda Dimishiq

Ciidamada Yuhuuda ayaa dhowr gantaal oo dhulka laga hago ku tuuray koonfurta Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kuwaasoo lala beegsaday goobo muhiim ah halkaasi ku yaala sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Suuriya ee SANA.

Duqeynta ayaa fiidnimadii Arbacada ku dhufatay magaalo ku taal koonfurta magaalada Dimishiq, halkaasoo ay ka geysteen khasaare nafeed.

Waa markii labaad oo ay Israa’iil duqaymo ka geysato Suuriya bishan, kaddib markii ay 9-kii bishii February la beegsatay gentaalada lidka diyaaradaha, taasoo jawaab u ahayd waxa ay ku sheegtay gantaal laga soo riday dhanka Suuriya.

Askari Suuriyaan ah ayaa lagu dilay shan kalana waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay meel u dhow Dimishiq horaantii bishan.

“Cadowga Israa’iil ayaa qaaday weerar dhowr gantaal oo ka yimid buuraha Golan ee ay Israa’iil xoog ku wareegtay, iyagoo beegsaday magaalada Zakiya abbaaraha 11:35pm, SANA ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo milateri.

Koox la socota xaaladda Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegay in bartilmaameedka duqeynta Arbacadii uu ahaa goob ay ku sugnaayeen ciidamada Suuriya.

“Duqeymaha ayaa lala beegsaday saldhig ciidanka dowladda,” sidaa waxaa sheegay Rami Abdel Rahman, oo madaxa kooxda la socota xaaladda xuquuqda aadanaha ee Suuriya, oo u waramay wakaaladda wararka ee AFP.

Kooxdan fadhigeedu yahay UK waxay shabakad ballaaran gudaha Suuriya.

Israa’iil ayaa boqolaal weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha qaybaha ay dowladdu ka taliso ee Suuriya tobankii sano ee la soo dhaafay ee dagaalka Suuriya, laakiin dowladeeda ayaa dhif ah in ay qirato ama ka hadasho howlgalladaas.

Israa’iil oo weeraradeeda lala beegsaday xarumaha dawladda iyo sidoo kale ciidamada Iran ay taageerto iyo dagaalyahannada dhaqdhaqaaqa shiicada hubaysan ee Xisbullah, iyadoo ku andacoonaysa inay doonayso inay ka hortagto cadawgeeda weyn ee Iran isku fidiso dalka Suuriya oo ay dariska yihiin.