Israa’iil oo duqeymo ka geysatay Suuriya

Wakaaladda wararka ee dalka Suuriya SANA oo soo xiganaysa ilo milateri ayaa sheegtay in ciidanka difaaca circa ay ka hortageen weerar gantaallo ah oo ay Israa’iil la beegsatay aagga koonfureed ee dalka waxaana lagu dilay hal Askari.

Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayay Millatariga Israa’iil la beegsadeen Koofurta buuraleyda Golan oo ay ka dhow yihiin goobo muhiim ah, halkaas oo ah meel si weyn loo ilaaliyo sida ay sheegtay dowladda Suuriya.

Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suuriya sannadkii 2011 Israa’iil waxay qaadday boqollaal duqaymo ah oo ay ku bartilmaameedsanayso goobaha ay dawladdu ka taliso.

La wadaag cid kale