Dad badani way yaabayaan markay ogaadaan in islaamku uusan ahayn kaliya cibaadooyin iyo talooyin guud oo akhlaaqda ku saabsan, sida ay ku yaqaaneen diimaha kale badankood.
Hadaba islaamku dhab ahaantii ma aha kaliya wax ay ruuxdu ubaahantahay ama duco iyo salaad ay muslimiintu ku sameeyaan masaajida.
Mana aha kaliya caqiido iyo falsafad ay rumaysanyihiin dadka raacsan oo qura.
Mana aha kaliya nidaam dhaqaale ama deegaan oo dhamaystiran.
Mana aha kaliya xeerar iyo aragtiyo laga dhiso nidaamka iyo bulshada.
Sidoo kale ma aha xirmo akhlaaqda iyo anshaxa ah oo lagula dhaqmo dadka kele.
Balse waa hab dhamaystiran oo ku saabsan dhamaan dhincyada kala duwan ee noolasha, isla markaana ma xayirayo xorriyadda dadka laakiin wuxuu ufududaynayaa noloshooda, si ay xooga u saaraan wax soo saarka iyo dhismaha iyo ilbaxnimada, wuxuuna ka mid yahay nicmooyinka waawayn ee Ilaahay ku galadaystay adoomihiisa, sida uu Qur’aanku cadaynayo (Maa’ido:3).
Marka uu ku yiri qof aan muslim ahayn – asagoo ku jeesjeesaya- mid ka mid ah asxaabta rasuulka suuban- magiicsu yahay Salmaan Alfaarisi-: saaxiibkiin ( wuxuu u jeedaa rasuulka Alle) wuxuu idin barayaa wax kasta xitaa aadaabta saxarada iyo kaadida? Wuxuu ku jawaabay saxaabigaa wayn: haa, wuu na baray, kadibna wuxuu u sheegay axkaamta islaamka iyo aadabtiisa ku saabsan arinkan. (Muslim 262).
Ifka iyo aakhirada
Islaamku waa hab dhamaystiran oo ku saabsan dhamaan dhincyada kala duwan ee nolasha.
Dhamaan dadka haysta diimaha Allah soo dajiyay waxay rumaysanyihiin nolasha aakhiro, iyo abaalgudka iyo ciqaabta halkaa kajirta.
Masaaridii hore ee xilliyadii fircoon jiray waxay marin jireen maydka maadooyin ka ilaalisa inuu qurmo, kadibna waxay la aasi jireen hantidiisa qaaliga ah oo dhan, ayagoo u malaynaya inuu ubaahan doono hantidaas geerida ka dib.
Halka qoomiyada TIBT oo ka tirsan shiinaha ay jarjari jireen jirka dadka ka dhinta, ayagoo u bandhigaya shinbiraha iyo dugaagta, hinduuskana ilaa iyo hadda waxay gubaan qofka ka dhinta, ayagoo rumaysan inay sidaas ku badbaadinayaan naftiisa.
Kuwaasina waxay tusaalooyin kooban u yihiin dhaqamada kala duwan ee baroordiiqda iyo sagootinta maydka, taasoo dadku aad ugu kala duwanyihiin, ayagoo ka duulaya kala duwanaanta diimahooda iyo waxay ka aaminsayihiin noolasha ka danbaysa geerida, iyo waxay ka qabaan tiro su’aalo ah oo qoto dheer oo u baahan jawaabo, sida:
Ma jirtaa nolol danbe?
Waa side qaabkeedu?
Maxaase halkaa looga baahanyahay?
maadaama geeridu tahay dhab dadku isku wada raacsanyahay inay dhamaanteen ina sugayso, ama aan aaminsanaano nolol danbe ama yaynaan aaminsanaanin, ama aan u diyaar garawno xiligaa ama aan islowsiino.
su,aasha aan marnaba la iska dhaga tiri Karin, ee mar kasta qofku iswaydiiyo waxay tahay:
Ma jirtaa nolol geerida ka danbaysa mise ma jirto?
Jiritaankeenu ma ciyaar baa?
Waana su’aal kusoo noqnoqonaysa maskaxdeena, Qur’aankuna uu in badan siyaabo kala duwan ugu soo celceliyay, isla markaana nooga waramay shalaytada dad badan maalinta qiyaamo, waayo mayna ka fikirn jawaabta su’aashan, oo mayna isu diyaarinin geediga aakhiro, sidaa awgeed dadkaa qaar waxay dhihi doonaan waqtigaa: alla hadaan naftayda ushaqaysan lahaa! Ku kalena wuxuu dhihi doonaa: alla hadii ciid aan ahaan lahaa!! (fajr: 24, naba’: 40).
Sida la ogyahay dhamaan dadka haysta diimaha Allah soo dajiyay waxay rumaysanyihiin noolasha aakhiro, iyo abaalgudka iyo ciqaabta halkaa jirta, waayo arinkaasi waa nuxurka waxay rususha Alle oo dhan ay la yimaadeen, sidoo kale caqligu wuxuu ina tusayaa in aysan wax macno ah lahayn noolasha iyo diinta iyo akhlaaqdu hadaysan nolol kale oo la is xisaabinayo aysan jirin, oo markaa qof kasta abaalkiisa la siinayo khayr ama shar.
Dadka qaar waxaa ku adag inay rumeeyaan in teedka u dhexeeya cibaadada iyo raaxaysiga, ama cibaadada iyo Hantida uusan ka jirin caqiidada islaamka.. rasuulka suuban ee Muxammad wuxuu noo sheegayaa in qofku marka uu sameeyo wax sax ah wuxuu doono ha ku saabsanaado, oo uu ula jeedo khayr, in laga abaal marin falkaas aakhiro, xitaa hadii uu yahay qodax uu ka qaadayo jidka dadku maraan, ama uu yahay cunno uu afka u galinayo xaaskiisa! (Bukhaari 56).
Markii rasuulku Muxammad (Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) uu sheegay in albaabada khayrka ay badanyihiin oon lasoo koobi karin, wuxuu tusaale usoo qaatay arin ka yaabisay asxaabtiisa marka uu yir: hadii mid idinka mid ah uu xaaskiisa shahwada la guto waxaa loo qorayaa ajir, waxay dheheen asxaabtii: oo sidee ajir u heli asagoo shahwo gudanaya? Wuxuu yiri rasuulkii suubanaa: ka warama hadii uu shahwadiisa ku guto xaaraan miyaan danbi loo qoraynin, waxay dheheen: haa, wuxuu yiri: sidoo kale hadii uu shahwadiisa xalaal ku guto ajir ayaa loo qorayaa. (Muslim 1006).
Sidaa darteed qof kasta oo barta Islaamka wuxuu arkayaa marka u horaysa isu dheelitirnaanta noolasha aduunka iyo noolasha aakhiro siduu Qur’aanku tilmaamayo, isla waqtiga uu islaamku dadka ku boorinayo cibaadada si ay ajir u heelaan aakhiro, wuxuu ku farayaa in ay ku dadaalaan aduunyada ayagoo raadsanaya deeqda allle (suurada Jumuca 9-10), wuxuuna dadaalkaa ku mudanayaa ajir maadaama uu ula jeedo falkiisaas Ilaahay, muslimkana waxaa la faray inuu Ilaahay ku caabudo dadaadlka uu ugu jiro shaqadiisa iyo raadinta arsaaqdiisa iyo tarbiyaynta caruurtiisa, iyo daryeelka caafimaadkiisa iyo deegaankiisa, iyo hormarinta bulshadiisa, sida uu Ilaahay ugu caabudayo salaadiisa iyo sadaqadiisa iyo soonkiisa.
Taasina waa mid ka mid ah sirta xasiloonida iyo nabadgalyada hoose ee uu mislimku dareemayo, marka uu arko wada jaanqaadka ka dhexeeya noolashiisa iyo aakhiradiisa, raaxaysigiisa iyo cibaadadiisa, oo aysan jirin wax iska hor imaad ah ama isdhaaf xagaa ku saabsan, balse uu yahay dhismo dhamaystiran oo is xoojinaya.
Wuxuuna Qur’aanku noo tilmaamayaa in halkudhagga muslimka ee kulminaya falsafada islaamka ee arinkaas, asagoo faraya inuu ku dhawaaqo halkudhaggaa: noolashayda oo dhan waa caabudida Alle, noocyadeeda kala duwan, Ilaahay ma laha kaliya salaadayda iyo cibaadadayda, balse dhamaan xaaladaha noolashayda oo dhan Ilaahay ayaan ugu dhawaanaya, asagaana iigu abaal gudi doona geeridayda kadib, sidaasaana ahaanayaa mid ku dhagan amarka Alle iyo diinkiisa islaamka (Ancaam: 162).
WD: Ibraahim Warsame