ISLAAMKU WUXUU INA FARAYAA NABADDA IYO WADA NOOLAANSHAHA

Allaa ayaa mahad idilkeed u sugnaatay, nabad galyo iyo naxriis nabigeena Muxamed dushiisa ha ahaato. intaa ka dib;

Sida lawada ogyahay aadanahu wuu ka cararaa meeshii aysan nabadi ka jirin, si kasta oo ay qiimo ugu lahayd noloshii uu kuhaystay, sidoo kale xayawaanka ayaa ka guura halka lagu waxyeeleeyo barwaaqo kasta oo uu

ku qabay, jamaadaadkuna jiri mayaan haddii ayan helin nabad iyo daryeel, taasina waa wax marag madoonto ah oo ay fahmi karto cidkasta, soomaalidu waa tusaale nool, markii dalkeena bur burka iyo nabad la’aanta ka dhacday wixii dhacay waaba la ogaa ee isagama sheekeynayno.

Sidaas darteed Islaamku muhiimad weyn ayuu siiyey adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxaana la dhihi karaa waxay kamid tahay waajibaadka shareecada sugtay in laxifdiyo.

Islaamku isagaaba nabad galyo ah sida ku cad magaciisa, magacyada Ilahay waxaa kamid ah (Assalaam) oo micnaheedu tahay nabadgalyo, nabi Muxamad(scw) markan kusalinayno waxaa nala faray inaan niraahno (salalahu calayhi wasalim) oo micnaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato, salaadaha markan kabaxno waxa nala faray inaan niraahno (allahuma anta salaam waminka salaam) oo micnaheedu tahay Ilahow adaa nabad ah xagaada ayayna nabadgalyadu katimaadaa, arrimahaas oo dhan haddii aan u fiirsano waxa ay ina tusinayaan martabada ay nabadu islaamku kajoogto iyo qiimaha gaarka ee ay leedahay.

Diinteena suuban ee Islaamka ah waxay nafaraysaa in aan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa oo nabad loogu wada noolaan lahaa taasina ay tahay wajib muqadas ah oo mudan in la dhowro, Alle(sw) waxa uu quraankiisa kariimka ah kuyiri:-

(qofkii u dila qof mumin ah si ulakac ah, abaalkiisu waa jahanamo xaal uu kuwaarayo, ilaahayna waa ucarooday korkiisa wuuna nacladay wuxuuna udiyaarshay cadaab weyn)

waxaa kale oo isla aayadaas mida kahoraysa ilahay kuyiri:-

(sidedaba uma sugnaanin qof mu’min ah inuu dilo mu’min kale ilaa si kama ah mooyee) wuxuu kale oo yiri (kaliya waxa abalkoodu yahay kuwa ladiriraya alle iyo rasuulkiisa oo kufidinaya arlada fasaad in ladilo ama lasalbiyo ama gacmahooda iyo lugahooda isdhaaf loo jaro ama arlada laga masaafuriyo, sidaas ayay waxay ku leyihiin addunyada dulli iyo hoog aakhirana waxay leeyihiin cadaab wayn).

waxaa kaloo yiri rabbi swt:-

“ha dilina naftii alle xarimay in la dilo ilaa inaad xaq ku dishaan mooyee. sidaasaa alle idiin dardaarmayaa ee waxaad mudan tihiin inaad garataan”.

Rasuulka(scw)wuxuu yiri:-

(Muslim waxaa ah qofkii ay dadka kanabad galaan afkiisa iyo adinkiisa mu’mina waxaa ah midka dadka u nabad galiya naftooda iyo maalkooda). wuxuu kaloo rasuulka(scw)yiri:- (Aduunyada oo suusha ayaa ilaahay kala fudud in qof muslim ah ladilo).

Lafdi kale waxa uu ku yiri (kacbada oo loo burburiyo dhagax dhagax ayaa alle kala fudud in qof muslim ah la dilo). wuxuu kale oo yiri rasuulka scw xadiis saxiix ah “Qiimaha qofka muslimka ah ayaa alle kala weyn adduunyada oo suusha”. Wuxuu kaloo rasuulka scw yiri:- (Qofkii dila gaal ay muslimiintu ballan is nabad galin ah kula jiraan galimaayo janada mana urinayo carafteeda waxaana carafteeda laga uriyaa masaafo loosocdo afartan sano).

Wuxuu kale oo suubanuhu yiri:-(Qofku kama suulo in ay diintiisa waasac utahay haddii uusan galin dhiig xaraam ah). wuxuu kale oo yiri:- “Maalinka qiyaame waxaa la keeni kii la dilay oo foodda iyo madaxa jiidaya kii dilay oo ay qawlaladiisu dhiig ka shubmayso, markaasuu oranayaa rabiyoow waa kii idilay ilaa uu carshiga udhaweeyo”

Wuxuu kale oo yiri: “Luqun hadlaysa ayaa naarta jahanama ka soo baxaysa maalinka qiyaame, waxay oranaysaa maanta waxaa la ii wakiishay seddex qolo oo kala ah kuwii dadka qasbi jiray, iyo kuwii ilaahay u shariik yeelay, iyo kuwii dilay naf aan naf kale dilin, inta loosoo wada jamciyo ayay naarta mugdiyaaladeeda hoose ku wada guraysaa”. (Kadhowrsada qofka la dulmiyay habaarkiisa, maxaa yeelay uma dhaxeeyo qofka ladulmiyay habaarkiisa iyo alle xijaab) Riwaayad kale waxay ahayd (ka dhowrsada qofka ladulmiyay habaarkiisa gaalba ha ahaado hadduu doonee).

Nabadgalyadu waa rukni asaasi ah oo muhiim u ah min qof ilaa mujtamac ummadda oo idil, marka waxaan shaki ku jirin jiilka ku barbaara qawaaniintan, aamina oo si dhab ah urumeeya inay liibaanayaan aduun iyo aakhiro kuna naaloonayaan nolol farxad iyo raaxo leh,

waxase nasiib darro ah in maanta markaad muslimiinta ufiirsato in badan oo kamid ah ayan ku dhaqmin kana faa,iidaysanin dastuurkan rabaaniga ah ee damaanad qaadaya badbaadinta basharka iyo bani’aadamka idilkiis,

waxaad arkaysaa meelo badan oo dunida muslimka ah oo ay somaliya kamid tahay in banaysiga dhiiga oo si fudud loo daadsho uu nololmaalmeedka kamid noqday iyadoo si aan kalasooc lahayn maalinkasta umadda maydadkooda loo waro dariiqyada, iyadoon la ogayn kan wax dilay sababta uu u dilay kan ladilayna sababta loo dilay.

Runtii waa musiibo laga anfariiro iyo munkar aan loo garaabi karin mashaqada muslimiinta maanta kuhabsatay, waxaase intaas oo dhan ka daran in faldambiyeedkan aan laga fiirsan iyo fadeexadan ay musliminta maanta nool magaca kula baxeen ay kula soo galgashaan diinta iyagoo utiirinaya in waxa ay falayaan diintu amrayso, sida iyagoo marka qolo qolo kale weerarayso ama koox koox kale la dirirayso ama qabiil qabiil kale kuduulayo qaata magaca mujaahid, mujaahidiin,

xaq udirir iyo wixii lamid ah kuwa kalana ku tilmama inay yihiin daalimiin in ladilo mudan oo dhiigooda banaan yahay.

Waxaa la ogyahay in diinteenu tahay diin saamaxaad, diin cadaaladeed oocaadifad iyo laab lakac ka barax tiran. diinteenu waa mid basharka oo dhan udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol, waa diin aan ogolayn dulmiga iyo jowrka,

waa diin faraysa macruufka, munkarkana reebaysa, waa diin siinaysa qofkastoo xaqleh xaqiisa, waa diin gacanta kudhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasaadiyo, waa diin dadka kaxoraynaysa inay dad kale adoomo u ahaadaan, waa diin kor uqaadaysa qiyamka, karaamada iyo sharafta qofka,

waa diin dhiiri galinaysa horumarka, cilmiga iyo aqoonta, waa diin ladiriraysa jahliga iyo dib udhaca, waa diin doonaysa inay dunida kufaafto cadaaladda, sinaanta, iyo kala dambaynta,

waa diin aan ogolayn in qaanuunka lagu xadgudbo oo dhowraysa xuquuqul insaanka, waa diin ciqaabaysa dulmiilaha sharkiisana kabadbaadinaysa umadda.

Run ahaantii maanta hab-dhaqanka dad badan oo muslimiinta ka mid ah ee ku salaysan nacaybka waa mid ka fog diinta ay sheganayaan waana kan sababay cadaawada weyn ee loo qaaday iyaga iyo diintoodaba, halkii ay awal kadhici jirtay in qaab dhaqameedkii muslimiintii hore oo kali ah ay ku soo islaami jireen mujtamacaad dhan oo malaayiin ah, sida ay sheegeen dadka taariikhda islaamka ukuur gala ee loo yaqaano mu,arikhiinta badankood.

Taariikhdu waxa ay marag katahay in inta islaamka ku gaaray sida nabadgalyada ah in la eg uusan ku gaarin seefta tiiyo la ogyahay dhulalka islaamka kufurtay jihaadka xitaa uusan marna ka dhicin cid lagu jujuubay diinta ee ay iyaga iskood si akhtiyaari ah uqaateen mabaadi’da islaamka ka dib markii ay arkeen inuu oga fiican yahay dastuuradii dulmiga ku salaysnaa ee ay dowladihii laga xoreeyay kula dhaqmi jireen,

sideedana marka aad udhabo gasho hadafka jihaadkii ay dowladaha islaamka ah ku furteen dunida dacaladeeda waxa aad arkaysaa in waxa ay ku duuleen uu ahaa Nidaam dulmi iyo jowr ku salaysnaa ee uusan ahayn waxa ay ku duuleen xorriyad iyo caqiido sida dad badani moodaan, taasina waxa daliil marag madoonto ah ugu filan inan meelihii uu islamku qabsaday marna laga burburin dadkii ahlulkitaabka ahaa meelihii ay wax kucaabudi jireen diintoodiina aan lagu faro galin.

WD: Ibraahim Warsame