Islaamku waa diin kaliya ee Alle agtiisa ka jirta, diin aan aheyn midda Islaamka oo Alle agtiisa laga aqbalayana ma jirto sida Ilaahay SWT Qu’aankiisa noogu cadeeyey. Kutubadii ka horeeyey kitaabka Qur’aanka kariimka ee Furqaan waa waajib rumeyntooda balse ma aha kuwo hadda shaqeeya, waxayna ahaayeen kuwo loosoo diray qolo gaara iyagaas ayeyna ku ekaayeen, Diinteenna Islaamka way ka duwantahay diimahaas hore waayo waxaa loo soo diray dhammaan caalamka oo idil, waana diin aan dhicin ilaa maalinta qiyaamaha, waxaana loo soo dhiibay nabigii uga kheyrka badanaa inta Allah SWT abuuray, waa diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:
Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)
Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigeenna ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo. (Axmad 2712)
Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iyo in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuulkii Allah NNKH ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (w.w. Ibnu Maajah 4032)
Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna tahay: Iqra (Akhri),
Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuunta nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenna yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)
Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga
Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685)
WD: Ibrahim Warsame