ISLAAMKU WAA CADDAALAD IYO SINAAN

Islaamku waa diin dhexdhexaad ah aan lahayn wax dhayalsasho iyo gabood fal ah ama ad-adkaan iyo xag jirnimo, wuxuuna arrinkaasi ka muuqdaa dhammaan astaamaha diinta iyo cibaadooyinka naloo jideeyey.

Sidaa daraadeed, baa waxaa soo arooray ku adkeynta uu Ilaahay Kor ahaaye ku adkeeyey Rasuulkeena NNKH iyo asxaabtiisa iyo mu’miniinta inay isku dheella tirnaadaan, arrinkaasina wuxuu ahaanayaa markii la eego labo arrimood:

Wuxuu Allaah kor ahaaye yiri:

“Ee hay dhabbaha toosan  sida lagu amrayba, (adiga) iyo  sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Ilaahay), oo ha xadgudbina. Hubaal, Wuu arkaa Waxa aad camal fashaan”. (Huud: 112)

Macnaha waa haka leexan jidka toosan oo ku sugnow oo ku dadaal arrinkaasi adigoon ku talax tegin oo xadka kaga bixin la imaansho wax dheeri ah (ziyaado) ama is kallifin oo is yeelyeelin.

Mar uu Rasuulkii Allah S.W.T barayey asxaabtiisa wax ka mid ah acmaasha xajka wuxuu kaga digay xagjirnimada iyo wax ka badbadinta  wuxuuna ku baraarujiyey inuu yahay arrinkaa sababta keentay halaaggii ku dhacay ummadahii hore, wuxuuna yiri:” Iska jira inaad  xadka kaga baxdaan  diinta, waayo waxaa halaagay dadkii idinka horreeyey xad kaga baxa diinta”. (Ibnu Maajah 3029).

Sidaas awgeed buu Nabigeenna NNKH wuxuu yiri: “La imaada camallada waxa aad kartaan”. (Al-Bukhaari 1100)

Wuxuu caddeeyey  Rasuulkii Alle NNKH xaqiiqda dhambaalka lala soo diray  iyo inaysan u imaan Risaaladu  inay dul saarto dadka wax dhaafsiisan waxa ay karaan, balse waxay la timid tacliin iyo xikmad iyo wax sahlid, sidaas awgeed buu wuxuu yiri: “ Allaah iima soo dirin inaan ahaado mid wax adkeeya ama isagu madax adag, laakiinse wuxuu Ii soo diray inaan ahaado macallin wax sahla ee fududeeya”. (Muslim 1478)

 

Tixraaca Fudud ee Muslimka

WD: Ibraahim Warsame Xuseen