ISLAAMKU MA AHAN CIRIIRI CABURIYA DADKA

Islaamku wuu ka fog yahay ciriiriga, is caburinta iyo qofka in lagu qasbo waxa uusan rabin taa badelkeedana wuxuu aad udhiiri galinayaa ixtiramka iyo isqadarinta, iyadoo dhaqan iyo diin xitaa lagu kala duwan yahay iskaba daaye muslimiinta dhexdooda, wuxuuna arinkaa uu gaarsiisay meel sare.

Diinteena Islaamka ee xaniifka ah waxay nagu amraysaa  hadaan muslimiin nahay in dhexdeena isqadarino,  guud ahaana bani’aadamka oo dhan cadaan iyo madow, muslim iyo gaal midkuu ahaadaba aan wanaag iyo ixtiraam kula dhaqano, taa oo diinteena toosan nagu boorinayso.

Waa waajib in Ruuxa muslimka ahi uu ixtiraamo walalihiisa muslimiinta ah iyo dhamaan dadkoo dhan, arrintaa oo aan kaga dayaneyno Suubanaheena Muxamed NNKH.

Bal u fiirsato, Nabiga S.C.W markii uu warqadda udirayay boqorkii roomaanka waxa uu ku bilaabay sidatan:

Nabigeena NNKH Waxa uu yiri: “waxaan ku bilaabaya magaca Allaha naxriista gaar ahaaneed iyo mida guud ahaaneedba naxriista, kasocota Muxammed rasuulkii Allah, kusocota Hiraqalkii weynaa ee ruum”.

Xaashidani waxay caddayn u tahay kana marag kacaysaa in nabiga NNKH uu ixtiraamay Hiraqal isagoo ah qof aan muslim aheyn, balse Nabigeenna NNKH uu siiyey maqaamkiisa, sidaa darteed waa inaad ixtiraam bani’aadam-nimo ku salaysan umuujisaa qofkas-ta oo bin’aadam ah, waxaana ka xaaraam ah ruuxa muslimka ahi inuu aflagaadeeyo ama uu caayo  amaba si kale u dhibaateeyo ruux kale ha ahaado muslim ama yuuna ahaanine.

Allah subxaanahu watacaala  waxa uu qur’aankiisa kariimka ku yiri isaga oo na baraya sida aan ula dhaqmi lahayn gaalada aan dagaalka naga dhexeyn:

hadal la macno ah “Ilaahay idinkama reebayo kuwa aan idin kugula dagaalaynin diintiina guryihiinana idinka saaraynin inaad usama fashaan una cadaalad sameysaan, ilaahey waxa uu jecelyahay kuwa cadaalad fala”.

Hadaba muslimiinta ilaahay sw waxa uu faray samafal iyo cadaalad inay usameeyaan qof walboo bani’aadam ah oo aan ku xadgudbeyn diintooda iyo sharafkooda, sidoo kalena waxaa laga reebay waxkastoo liddi ku ah labadaan, taa oo Nabiga SCW  uu ku sheegay samafal kaasoo ka marqaati kacaya dhaqanka wanaagsan ee astaanta u ah muslimiinta.

Diinteena islaamka waa diinta ugu ixtiraamka badan bani’aadam-nimada, laakiin gaalada ayaa rabta in dadka wax magaratada ahi ka dhaadhiciso uguna fasirto diin dagaal, iyo mid xuquuqda bani’aadam-ka ku tumanaysa si ay udamiyaan nuurka Allah, mana damin karaan oo ilaahey SW wuu dhameystirayaa nuurkiisa haba nacaan gaalada’e.

Allah SW waxa uu abuuray bani’aadamka wuuna karaameeyay waxana lagama maarmaan ah inuu qof kasta oo bani’aadam ah uu qeyb ku lahaado xushmada. sida aynu ognahay nabiga NNKH wuxuu booqday yahuudi xanuunsanaa, waxaa kaloo Nabiga scw cafis ufidiyay dad  aan muslimiin ahayn, kuwo ayuu balla-maha u oofiyay gaalada ka mida, taasna waxay ka turjumaysa qof kasta oo bani’aadam ah inuu mudanyahy ixtiraam; ku dayo qofka ugu badan ee dunida la ixtiraamo waana Nabi Muxamned NNKH.

Islaamku waa nabad gelyo iyo wada noolaasho taana waxay ku imaanaysaa kuna hagaageysaa ixtiraam iyo isqadarin dhexmarta kuwa wada nool, iyagoo haday doonaan kala heysta diimo kala duwan waayo islaamku ma qabo in qofka lagu qasbo meesha uu aadayo iyo diinta uu qaadanayo kaliya islaamku wuxuu dadka ugu yeerayaa wanaagga iyo in diinta islaamka ay tahay diinta kaliya ee adduun iyo aakhiraba dadka anfacda taa oo ku imaanaysa naseexo ee aan aheyn juujuub iyo qasab midna.

Allah SW waxa uu ku leeyahay ” : ku dhaha dadka hadal wanaagsan, sidaa darteed waa inaa ilaalinaa guud ahaan xuquuqda bani’aadam kasta, si wanaagsana ula dhaqanaa, sidaa hadaa sameynana waa aan ixtiraamnay dadka waana waxa nalooga baahan yahay. Diinta islaamka waxay gaarsiisay ixtiraamka nolosha bani’aadamka ah iyo inaan lagu xad-gudbin heer aysan gaarin dhamaan diimaha kale waxa ay na leedahay:

“Qofkii dilaa nafsad ayadoo nafsad kale dilin ama dhulka fasaadiyaa waxa uu lamid yahay qof dadka oo dhan dilay, qofkii nooleeyaana waxa uu lamid yahay qof dadka oo dhan nooleeyay”.

Hadaba, waxaad ka fahmi kartaa in islaamku halka qof ee bani’aadam-ka ahi agtiisu kaga dhigan yahay bashariyada oo idil, sidaa awgeedna aytahay in aan xushmeyno bani’aadamka oo idil, waana muhiim  in qofkastaa fahmo bani’aadamnimada, mana jiro qof uu daah kasaaran yahay inay diinteena toosan ixtiraamka qofka bani’aadamka ah ay gaarsiisay xadkii ugu sareeyay. Sidoo kale In la ixtiraamo shuruuucda iyo xeerarka, ballamaha iyo iyo hishiisyada, afkaarta iyo aragtiyaha intaba Islaamka maqaam iyo makaano weyn ayuu dajiyay.

Nabigeena NNKH waxa uu ina barayaa sida aan isku ixtiraami lahayn oo midkeen midka kale ula dhaqmi lahaa waxa uuna leeyahay naxriis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee:

“Hais xasdina, ha isku dooxina iibka , ha isku caroonina, ha isku dhabar-jeedinina, qaarkiina yey iibsan beeca qaarka kale, waxaadna noqotaan adoomadii ilaahey oo walaala ah, qofka muslimka ah muslimka kale waa walaalkiisa, ma gardarreys-to, ma liido, kama been abuurto, mana xaqiro, alla kacabsiga waa halkaan – nabiga waxa uu tilmaamay laabtiisa saddex mar- qof waxaa ugu filan shar oo dhan inuu xaqiro walaalkiisa muslimka ah, muslimkasta muslimka kale waa ka xaaraan dhiigiisa, hantidiisa iyo cirdigiisa (waa meesha qof laga amaani karo ama laga ceebeyn karo sida xaaskiisa, gabadhiisa, iyo qaraabadiisa ama naftiisaba)”.

Islaamka waxa uu nafarayaaa in la ixtiraamo nimcooyinka uu Allah SW nagu galladeystay oo ay ugu waaweyntahay nimcada islaamnimada, nimcada xoolaha iyo xayawaanka, sidoo kale nimcada cuntada iyo waxkasta oo waxtar inoo leh.

Inkastoo dhamaan xayawaanka ay tahay in la qadariyo haddana si gaar ah waxaa usii mudan inta aan dheefsano sida ariga, lo’da, geela, dameerka, faraska, iwm, kuwaasi ayaa ah kuwa ugu mudan in ladaryeelo oo la daneeyo.

Waxa ay nagu hagaysaa diinteenna in aan xayawaanka kula dhaqanno si ay naxriis iyo turid ku dheehan tahay, oo aan lagu xadgudbin, ilaahay jalla wa calaa waxa uu qur’aanka ku leeyahay:

“Nimcooleeyda (xoolaha) ilaahay dartiinna ayuu u abuuray, waxa idinku sugan diirsi, iyo waxtarro, dhankeedana ayaa ka cuntaan (hilbo), waxaa idinku sugan qurux marka aad soo celinaysaan iyo marka aad dheelminaysaan, waxa ay uxambaartaa culeyskiina magaalo eynaan gaarsiin Karin illaa inaad nafta cadaadisaan mooyee rabbigiina waa mid turid badan oo naxriis badan”

Sidaa darteed ilaahay xoolaha darteena ayuu u abuuray si aan ugu dheefsano waana inaan dhibin oo aan ku xadgudbin, waxa aan soo qaadan doonnaa laba xadiith uu nabiga SCW ugu hadlayo in lagu xadgudbin iyo in si wanaagsan loola dhaqmo.

“Jaabir waxa uu yiri: rasuulkii alle ayaa reebay in xayawaanka wajiga laga garaaco ama wajiga laga sumadeeyo” sidoo kale nabiga waxaa ka sugnaaday inuu yiri “ilaahay samafalka sheey kasta ayuu uqoray, hadii aad wax dilaysaan (ugaarsaneysan) u samafala diliddiina, hadii aad wax gowraceysaana usamafala gowriciina, midkiina ha afeysto mididiisa hana uraaxeeyo waxa uu gowracayo”.

Sidoo kale islaamka waxa uu meelsare gaarsiiyay ixtiraamka cuntada, maadaama ay ku jirto nolosheena iyo xooggeena waa in la ilaaliyaa oo lagu israafin, waxaa nasiib darrro ah in maalin kasta aan qashinka ku darno cunto nadiif ah, halka qaarkeen aysan ku baraarug saneynba qiimaha cuntada ay leedahay.

 

WD: Ibrahim Warsame