ISLAAMKA MA CABURIYO ARAGTIYADA DADKA

Afkaarta ku salaysan kaligay baa matala xaqa, waxay kugu duwaysaa waddo qaldan, gaalnimo, ama dad lunsan.

Fikirka noocaan ah waa afkaar khaldan oo salka ku haysa aragtiyada baadilka iyo xagjirnimada iyo khawaarijinimada.

Waayo xaqu waa mid dulqaad u leh inuu dhagaysto doodaha kuwa ka soo horjeeda, isla markaana uu cadaalad u sameeya kuwa khilaafsan aragtida xaqa ah xorriyadoodana aan ku xad-gudbin .

Ilahay Swt waxuu yidhi [waxaad ku tiraahdaa anaga ama idinka midkee ayaa saxan ama baadi cad ku jira]

Qofku haddii uu aragti ka hadlaayo si wanagsan haa ugu hadlo, misa ha iska aamuso, haddii uu sheego hadal xun waxay ku soo aruurtay qur’aanka iyo xadiisyada Nebi Mohamed Scw.

Alle Swt waxuu yidhi [waxaad tiraahdaa qof waliba haa u camal falo sida ay tahay toosnaanta Rabigiiina un baa og kuwa haya waddada hanuunka].

Dadka xambaarsan afkaarta baadilka ah waxaa lagu yaqaan in ay kaligood goostaan xaqa oo ay dadka kale aragtiyadooda u diidaan iyo in ay sheegaan runta.

[Tusaale ahaan fircoon wixii uu ku sameeyey Rusushii xaqa iyo wanaagga Umadda u siday iyo wixii uu kala hortagay waa daliil xujo ku ah kuwa ku dayda ee wadadiisii qaada].

[Kuwii xaqa diiday waxay ku yiraahdeen Rusushii loo diray labo mid soo gala inaan dhulkeena idinka saarno iyo inaad diinteena ku soo noqotaan, hadaadan ka joogin dhagax baan idinku dileynaa].

Qisooyin badan baa laga qoray aragtiyada dadka islaamka ah, qofka muslimka ah inaan la caynin, la aflagaadaynin lagu xad-gudbin, qofka muslimka ah xaq buu uu layahay in uu ka hadlo aragtidiisa .

Sida aan ka soo xiganay ee uu cadaynaayo qur’aanka Alle Swt iyo Sunnada Nebi Maxamed Scw wuxuu yiri “Hadalka wanagsan waa sadaqo”, hadallada xumaanta ah waxay ku horkacayaan inaad Naar ku gasho haddii ka towba keeni wayso.

hadii aad wanaag ku hadasho faa,iido badan baad ka heshaa, waxaa laga yaabaa  in aad jano ku muteysato, maadama Janadu tahay fadli Rabbi.

Mar walba qofka muslimka ah ee hadlaya, ha noqdo qof tusaale u ah bulshada una faa’iideeyo umadda muslimiinta ah.

Sanadkan dadka jooga adduunka, markii la eego aakhiro iyo adduun uma kala socno, mana ka fikiraan aakhiradooda dambe, waxay ka fikiraan badanaa adduun kamana hadlan aragti wanagsan, waxaad arki qof ku hadlaayo wax aan bulshada faa’iido u lahayn, waxayna ka leexdeen wadadii Alle iyo Nebi Maxamed Scw.

Haddaba, Dadkaasi Allaah waddada toosan ha ku soo hanuuniyo, badana dadka aan ka hadleyno waaxay baraha bulshada ku faafiyaan xumaan iyo qaar yar oo ka tarjuma samaanta.

Haddaba, kuwa xun xun inta ay soo galin lahayeen aragti guracan ama aan la jecleysan waxaa uga wanagsan inay dadka muslimiinta kula macaamilaan aqlaaq wanaagsan iyo cilmi isdhaafi.

Ugu dambeyntii Umadda Islaamka ahi waa inay dhagaystaan haddii uu qofka bixinayo aragti wanagsan oo wax badan laga faa,iidayo waxaa laga yaabaa in aad ku badbaado macquulna ah.

WQ: Sidiiq Macallin Axmed.