ISLAAMKA IYO WAKHTIYADII UGU FURASHADA BADNAA (QEYBTA 2-AAD)

Markaas ayuu Xajaaj carooday oo wuxuu iska daba diray gaasas cartamaya, gaaskii u horreeyey wuxuu abaanduule uga dhigay Cabdullaahi bin Nahbaan dagaal kharaar ka dibna waa la dilay oo waa uu shahiiday, markaasuu misna xilkii u dhiibay sarkaal kale oo la oran jiray Baddiil bin Tahfah oo Reer Bajiila ahaa isaguna guul isagoo aan gaarin buu shahiiday.

Markaasuu Xajaaj ku dhaartay inuu dalkaas furto wax kasta ha ugu kacdee oo diinta islaamku afartiisa gees ku faafto, wuxuuna ka codsaday hoggaankii sare ee Muslimiinta Waliid bin Cabdul-Malik oo isaguna mar walba garab taagnaa ciddii diinta islaamka meel fog sii gaarsiinaysa oo awoodda Muslimiinta kor u sii qaadaysa inuu u fasaxo inuu dhulkaas ku saaro gaasas diigaanyo ah isagoo u ballan qaaday dhaqaalaha xoogga leh ee hawlgalkaas ku baxaya inuu mid wax badan ku laban laabma uu dhulkaas ka soo balalaysan doono oo khasnadda dawladda kusoo celin doono dhaqaale ka sii badan, markaas baa fasax buuxa loo siiyey.

Markaas ayuu hawlgalkaas u doortay nin da’diisu yarayd laakiin uu ku garanayey geesinnimo iyo go’aan adag oo aan dabac aqoon, waa ninkii la oran jiray

Muxammad binul-Qaasim ee Reer binuu Thaqiif ahaa, Xajaaj bay isku reer ahaayeen, wuxuuna amar ku siiyey inuusan dib u soo laaban ilaa uu dhulkaas gacanta ku dhigo oo soo furto isagoo u dhammaystiray wixii ciidanku sahay iyo hub iyo gaadiid iyo gurmad u baahnaa.

Muxammad bin Qaasin oo walwaalaya ciidan labaatan kun gaaraya oo ay ka buuxaan saraakiil xul ah iyo askartii geesiyaashaa ahaa ee aan soo waaban jirin iyo fardihii baxdoyga ahaa ee dagaalka loo tababaray baa ku duulay oo afka saaray dhulkii Hindiya, waxayna xudduudka dhulka maanta Iran loo yaqaan ka tallaabeen oo dhulkii Hindiya loo yiqiin u gudbeen sannadkii 90aad Hijrada oo duullaan Muxammad bin Qaasim wuxuu bar bar socday kuwii galbeed iyo bari ka socday oo isaga iyo saraakiishaas isku mar baa hawsha loo wada xil saaray.

Muxammad bin Qaasim wuxuu ahaa geesi haddana Alle hibo u siiyey xeesha iyo xirribta dagaalka oo sidii Khaalid bin Waliid iyo raggii la midka ahaa ayay talooyin deg deg ah u dhalanayeen oo hadba xaaladdii dhalata go’aan deg deg ah ayuu ka qaadanayey, oo wuxuu ahaa abaanduule da’ yar oo si aad ah ugu sarreeya maamulka ciidanka iyo maaraynta dagaalka, wuxuuna isku waday difaac iyo duullaan, oo markii ay ciidanku nasasho galayaanba wuxuu amar ku siinayey inay dhufayskooda qotaan oo meel ku habboon difaaca saldhig ka samaystaan, wuxuu kale oo sitay qalab lagu bur-buriyo qalcadaha iyo dhufaysyada adag ee cadowga, waxaana ka mid ahaa madaafiicdii goobta ee waagaas qalabkii u dhignaa ee la oran jiray Minjaniiqa oo laga gami jiray dhadhaab miisaankoodu culus yahay oo guryaha adag iyo darbiyada magaalooyinka lagu xeerayba markii ay ku dhacaan cardaadiqaha ka dhigaya.

Wuxuu watay Minjaniiq Caruus loo yiqiin oo shan boqon oo nin ay ka shaqeeyaan kaas oo dhufaysyadii Hindida lagu dardaray,webiga Sindi markii uu ka tallaabay ayuu weerar ku qaaday magaalooyinkii gobolka Sindi oo ahaa magaalooyin waaweyn oo dad badan daggan yihiin hanti xoog lihina ay taal oo lagu wareejiyey darbiyo xoog badan iyo qalcado adag, laakin wuxuu ku garaacay madficii xoogga badnaa iyo kuwo kale oo caawinaya markaasuu magaalo kasta bur-buriyey oo cagta mariyey oo midba tu kale uga sii gudbay, iyadoo furashada gobolka Sandi ay ku qaadatay laba sano oo dagaal xiriir ahi uu socday.

Markii uu furtay magaalooyinkii Sandi ee caasimadda ka sokeeyey oo dhan wuxuu u sii gudbay caasimaddii gobolka Sandi Daybal oo burcad badeeddu meesha ay badanaa ka soo jeedeen ah, kadib waxaa ka hor yimid boqor hoosaadkii dhulkaas ka talinayey oo la oran jiray Raaja Daahir dagaalkii ugu darnaa oo lagu kala baxay baana wuxuu ku dhex maray magaalada daafaheeda, waxaana labadii ciidan dhex maray dhagaal aan waxba la isula harin  iyadoo qolo walba ay muujisay mintidnimo iyo dagaal kharaar, ugu dambayntii Alle weyne ayaa Muslimiinta hiilkii u soo dajiyey oo gaaladii garabkooda ka baxay, waxaana halkaas lagu dilay guddoomiyihii gobolka Sandi oo ahaa boqor hoosaad hoos yimaada boqorkii guud ee Hindiya Rajaa Daahir, markaas bayna ciidankoodii jabeen oo Alle garabkooda ka baxay oo ay fiin firirtay noqdeen.

Halgankii jihaadka ayuuna sii waday Muxammad bin Qaasim isagoo markii dambe gacanta ku dhigay gobolka Bunjaab, wuxuuna meeshii u dambeeyeysay gobolka Bunjaab oo ahayd Maltaan barta Balqaan gaaray sannadkii 96aad ee Hijrada sannadkaas oo ah markii halgankii jihaadku hakaday.

Muxammad bin Qaasim muddadii uu dhulkaas hawlgallada ka waday wuxuu iska xil saaray inuu diinta islaamka ku faafiyo oo magaaladii uu qabsadaba intuu masaajid ka dhiso buu ka bilaabay in dadka diinta loogu yeero oo kuwa soo islaama diinta la baro, wuxuuna ahaa geesinnimada ka sokow hoggaamiye dad dhiqidda yaqaan oo saraakiisha ka hoosaysa iyo ciidankaba wuxuu ula dhaqmi jiray si qaddarin iyo xushmad leh, arrimahana waa uu kala tashan jiray oo isagu guddoonka ayuu u ridi jiray, isagoo garanayey in ragga badankiisu ay da’ ahaan ka weynaayeen oo ka waaya aragsanaayeen, wuxuuna ahaa nin dabeecad wanaagsan leh oo biyo ma daadshe ah, waana sababaha Alle guusha ku siiyo oo asbaabtii buu la yimid, waddanka maanta Bakistaan loo yaqaanna isaga ayuu ahaa ninkii Alle sababta uga dhigay inuu noqdo waddan Muslim ah oo diinta islaamka si buuxda ugu faaftay,waana waddanka kaliya oo sida la hubo ee maanta haysta hubka halista ah ee Nuclearka loo yaqaan ee ka tirsan dunida islaamka, Iran iyo waddamo kalana waxaa la sheegayaa inay hoosta ka wadaan oo samaynta hubkaas si ay isaga waabiyaan gardarrada gaalada.

WD: Ibraahim Warsame