Halkii u shisheeysay ee ay Muslimiintu gaareen Bari iyo Galbeed
Xilligii Waliid bin Cabdul-Malik uu talada Muslimiinta hayey ayay Muslimiintu gaareen guulihii ugu waaweynaa ee xagga furashada, iyadoo ay gaareen meeliihii ugu fogaa ee dhinaca Galbeed iyo dhinaca Bari iyo koonfur bariba, iyadoo sannadihii 91 ilaa 96 Hijrada ay guulaha ugu waaweyn soo hoyyeen saddex sarkaal oo caan ahaa ayaa jiray waa ammaanduulihii hoggaaminayey gulufkii jihaadka ee dhinaca galbeed ka socday Muusa bin Nusayr iyo gacan yarihiisii geesiga ahaa Taariq bin Ziyaad, saraakiishaas waxaa usuurowday inay gacanta ku dhigaan Woqooyiga Afrika iyo dhulkii Andalus la oran jiray oo ahaa dhulka ay maanta ka taliyaan dalalka Burtaqiiska iyo Isbayn.
Sidookale abaanduulihii aagga bari Qutaybah bin Muslim Al-Baaliyi oo ahaa sarkaalkii hoggaamiyey halgankii lagu furtay dhulka ugu fog ee bari ay Musliintu ka gaareen isagoo la wareegay magaalooyin waaweyn iyo dawlado boqortooyo ahaa oo dhulkaas ka dhisnaa oo ay ka mid ahaayeen Khawaarzim oo magaalo iyo dawlad magaceedba isku ahaa iyo Bukhaari yo Samarqandi.
Waxaa kaloo jiray abaanduule qaabilsanaa aagga Hindiya oo koonfur bari ku aaddanayd Muxammad binul-Qaasim Athaqafii…
Labada Janan oo dhinaca bari iyo koonfur bari xigay waxaa ka sarreeyey oo ay hoos imaanayeen Xajaaj bin Yuusuf oo isagu inkastoo uu daalim maamul xun ahaa haddana dhinaca furashooyinka iyo arrimaha milatariga ku fiicnaa oo amarro adag bixinayey gurmad is daba joog ahna diriyey, waliba dhinaca Hindiya qaybteeda soke qorshaha lagu furtay iyo dhiirri galinteedaba isagaa lahaa.
Furashadii Sindi iyo Bunjaab (Baakistaan)
Dhulka Bakistaan in la furto waxaa sabab u ahaa sannadkii 90aad ee Hijrada ayaa waxaa dhacday burcad badeed ka tirsanaa maamulkii ka jiray galbeedka Hindiya oo dalka hadda Bakistaan loo yaqaan ah baa waxay afduubteen 18 doonyood oo ay lahaayeen Muslimiin ganacsato ah oo dhinaca dhulkii Sayloon loo yiqiin (Siiralaanka) iyo jaziirado la daris ah, oo ay saarraayeen hanti badan iyo hadiyado, waxaa kale oo saarnaa dad haween u badan oo Muslimiin ah oo ahaa gabdho aabbayaashood ganacsato ahaayeen oo dhulal shisheeye dageen oo markii ay dhinteen soo laabtay oo doonayey inay dalweynaha Muslimiinta u soo laabtaan.
Markii doonyihii la afduubay baa gabar Reer binuu Tamiim ah oo jifida binuu Yarbuuc ka mid ahi waxay tiri: Xajaajow! Xajaajow!! Waxay u habar wacatay boqor hoosaadkii ka talinayey dhulweynihii Muslimiinta ee bariga ahaa Xajaaj bin Yusuf oo isaguna markii warkaasuu soo gaaray u jawaabay oo yiri: Wallee haddii aanan dhiman waa kuu hiillinayaa.
Xajaaj markii hore wuxuu arrinta ku raadiyey inuu xal nabadeed ku soo cesho doonyaha iyo dadka saaran wuxuuna farriin u diray boqorkii dhulkaas ka talinayey oo boqortooyada Hindiya hoos imaanayey oo jagada Xajaaj oo kale haystay, wuxuuna ka codsaday inuu burcad badeedda dadkiisa ah doonyahaas ka soo daayo, laakin wuxuu u sheegay inuusan burcad badadeedda waxba ka qaban Karin oo ay ka madax bannaan yihiin.
Markaas ayuu Xajaaj carooday oo wuxuu iska daba diray gaasas cartamaya, gaaskii u horreeyey wuxuu abaanduule uga dhigay Cabdullaahi bin Nahbaan dagaal kharaar ka dibna waa la dilay oo waa uu shahiiday, markaasuu misna xilkii u dhiibay sarkaal kale oo la oran jiray Baddiil bin Tahfah oo Reer Bajiila ahaa isaguna guul isagoo aan gaarin buu shahiiday.
Markaasuu Xajaaj ku dhaartay inuu dalkaas furto wax kasta ha ugu kacdee oo diinta islaamku afartiisa gees ku faafto, wuxuuna ka codsaday hoggaankii sare ee Muslimiinta Waliid bin Cabdul-Malik oo isaguna mar walba garab taagnaa ciddii diinta islaamka meel fog sii gaarsiinaysa oo awoodda Muslimiinta kor u sii qaadaysa inuu u fasaxo inuu dhulkaas ku saaro gaasas diigaanyo ah isagoo u ballan qaaday dhaqaalaha xoogga leh ee hawlgalkaas ku baxaya inuu mid wax badan ku laban laabma uu dhulkaas ka soo balalaysan doono oo khasnadda dawladda kusoo celin doono dhaqaale ka sii badan, markaas baa fasax buuxa loo siiyey.
Markaas ayuu hawlgalkaas u doortay nin da’diisu yarayd laakiin uu ku garanayey geesinnimo iyo go’aan adag oo aan dabac aqoon, waa ninkii la oran jiray
WD: Ibraahim Warsame