Islaamkeenu waxa uu qiimo weyn siiyey caddaaladda iyo ku dhaqankeeda, mudnaan gaara, ayeyna islaamka dhexdiisa ku leedahay cadaaladda, asigoona kaga hadlay aragti saraysa iyo tix-gelin dheeri ah.
Caddaaladu meel sare ayey ka joogtaa Islaamka iyo ku dhaqankiisa, waxaana tusaale u ah heerka sare ee uu gaarsiiyay, ka hadalka iyo muhiimadda ay leedahay ka shaqeynta cadaaladda siiba marka ay joogto u kala gar-qaaddidda aadanaha marka ay timaado wax yaabo ay isku heystaan, waxaasi ha ahaadaan hanti ama afkaar kale oo keeni kara ismaan-dhaaf. Saraynta iyo Qiimaha ay cadaaladdu gaarsiiyay islaamku waxa tilmaamaya in laga dhigay magac ka mida magacyadda Alle Illaahayna waa caadil, waxana uu jecelyahay caddaalada, magacyadiisana waxa ka mida Caadil.
Ugu horayn waxa uu ku qeexay islaamku macnaha Caddaalada erayo kooban oo si qoto dheer u tilmaamaya Caddaaladu waxay tahay:
Caddaaladu waa kasoo hor jeedka Dulmiga , waxa looga jeedaa wax kasta oo aan dulmi ahayni waa cadaalad. Hadii dulmi meesha soo galana cadaalada ayaa ka baxda.
Dulmigu waa wax kasta oo si aan ku haboonayn loo sameeyey ama loola dhaqmay, cadaaladuna waa wax kasta oo sidii ku haboonayd loo la dhaqmay, mar walbana waa ay iska soo horjeedaan Cadaaladda iyo Dulmiga, waxa kale oo cadaalada muuqaaladeeda ka mida Sinnaanta, toosnaanta, miisaanaanta, hadii meesha sinaantu ka baxdo cadaaladi ma taalo, hadii toosnaani ka baxdana qalooc ayaa soo gelaya oo cadaaladi jirimayso, hadii miisaanka saxda ahi meesha ka baxana dheeli ayaa soo baxaya oo cadaaladi ma jirayso.
Caddaaladu inay ka mid noqoto magacyada alle waxay ku tusaysaa qaalinimadeeda iyo muhimada ay u leedahay dadka iyo dawladnimadaba , waxay ku tusaysaa caddaalad la,aan inaan la noolaan karin, sidaa darteed islaamku waxa uu diiday qofku xitaa naftiisa inuu dulmi ku sameeyo.
Qur’aanku wuxuu ka hadlay, kuwo dulmi iyo dhib u gaystay dad kale balse waa dad naftooda keliya dulmiyay oo dhib u gaystay,waxana Qur’aanku tilmaamayaa naftu caddaalad inay u baahantahay,haddii caddaalad nafta lagu hagi waayana dulmi iyo dhib inay imanayso, xisaabta qiyaamahana qofka la waydiin doono naftiisa muxuu ugu caddaalad samayn waayay.
Aayadaa tilmaamtay dadka naftooda ku sameeyay dulmiga waxay sheegtay muuqaalo ka mida dadka naftooda dulmiyay iyo waxay sameeyeen, waxana aayadu tiri iyadoo ka waramaysa su’aalaha la waydiiyay dadkaa.
“kuwa naftooda dulmiyay ee malaa’igtu nafta ka qaaday waxay su’aalaysaa,maxaad qabanayseen, waxay ku jawaabayaan waxaanu ahayn kuwo dhulka lagu dulaysto, malaa’igtu waxay ugu jawaab celinayaan, miyaanu dhulka Alle waynayn si aad meel kale ugu hijirootaan”
Hijrada aayadu ka waramaysaa waxay tahay aragtida dulmiga maxaad uga tegi waydeen oo u qaadan waydeen aragtida ku dhisan cadaalada, qofka ka tagi waaya meesha dulmiga lagu samaynayo,ama la mawqif iyo aragti noqda dadka dulmiga samaynaya xitaa hadaanu ka qayb qaadan dulmiga waxa uu noqonayaa qof dulmiyay naftiisii, waxana uu la denbi noqonayaa dadkaa aayadu ka warantay, halkaana waxa ka cad mawqifka iyo halka islaamku iska taagay caddaalad-darada iyo sida uu u dhiiri geliyay caddaalada.
Waa iska cadahay haddii qofka aan loo ogolayn in naftiisa dulmi iyo dhib u gaysto inaan cid kale inuu u gaystaana kasii daran tahay xagga danbiga iyo diidmada, taasoo ka dhigan in aan marnaba laga yeeleyn ku xad gudubka cid kale.
Caddaaladu dadka oo dhan ayay ka dhaxaysaa ,qofna looma baahna dulmi iyo dhib in loo gaysto, gaal iyo muslimna cadaalada way u siman tahay,I slaamkuna waa ixtiraamay dadka diimaha kale haysta,waxana uu faray tacaamul fiican iyo qadarin in loo muujiyo.
Islaamku waxa uu amray cadaalad in lagu wada dhaqmo iyadoo xitaa lakala muuqaal duwan yahay midab ahaan, ama la kala duwan yahay luuqad, ama la kala duwan yahay qoomiyad iyo qabiil, waxana uu tilmaamay sinaanta iyo caddaaladu daruuri iyo waajib inay yihiin.
“Waxa quraanku ictiraafay qofka kale ee haysta diin kale, waxa uu tilmaamay Tawraadi inay tahay nuur iyo hanuun, in-jiilina hanuun iyo nuur, waxa uu ku baaqay nabiyada iyo rususha in la wada rumeeyo , la ixtiraamo dhamaan muqadasaadka iyo diimaha’
Quraanku marka uu ka hadlayo caddaalada ma tilmaamo islaamka oo keliya balse waxa uu tixgelin siiyaa dadka kale iyo diimaha kale waxa uu ku dadaalaa sinaanta iyo cid waliba inay hesho amaan iyo nabad ay ku qabsato hawlaheeda iyo waxay rabto, waxana arintaa cadaynaya oo tilmaamaya aayada ku jirta suurada al-xaj ee ilaahay kaga waramayo bulshada in laga difaaco dulmiga .
“ Hadii Alle dadka bar ku difaacayn barka kale, waxa la dumin lahaa goobaha Majuustu ku cibaadaysato,Kaniisadaha Yuhuuda iyo Nasaarada, Masaajida Muslimiintu ku xusaan magaca Alle in badan diinta islaamka sidaas iyo in kabadan ayay uga hadashay cadaaladda loo baahanyahay in dadka dunida joga amaba islaamka ahi ay ku dhaqmaan.
WD: Ibraahim Warsame