Inta aan gudaha u gelin ka hadalaka mowduucan waxaa muhiim ah oo aan marna looga maarmin in aan ka eegno bud-dhigna uga dhigno Shareecada Islaamka iyo sida ay Culimada Islaamku uga hadleen aririnkan ah qaabka ay tahay in ruuxa muslimka ahi u ilaaliyo xubnihiisa jirka ee Allaah ugu deeqay.
Taas oo inoo sahlaysa ka jawaabista su’aasha ah shakhsiga bin’aadamka ahi horta ma u banaantahay in jirkiisa wax dhibaato ah ku sameeyo sida in qeyb xubnihiisa ka mid ah iibiyo?
Haddii ay shareecada Islaamku bannayso waa sax, haddii ay diidana maya ma banaana. Su’aasha noocan ah caddaymo si cad u sheegaya kuma laha quraanka iyo Sunnada nebiga SCW balse waxa ay soo hoos gelaysaa xeerarka fiqiga ee culimada islaamku kasoo min-guuriyeen quraanka iyo sunnaha nebiga.
Hadaba, iyada oo laga anba qaadayo aragtidan waxa aynu gundhig uga dhigaynaa su’aasha ah, qofku jidhkiisa ma isagaa leh, mise ilaahay ayaa amaano ugu dhiibay ilaalintiisana ku amray, mise waa shay siduu doono ka yeelan karo? .
Waxaa shaki ku jirin in xubnaha jirkaagaaga ay yihiin kuwo Alle SWT ku siiyay kuguna karaameeyay uuna Alle u abuuray in uu ruuxa Muslimka ahi ugu kaalmaysto cibaadada Alle iyo in uu wax ku qabsado, mana u banaana qofka in wax jidhkiisa wax yeelaya uu ku kaco .
Maxay tahay aragtida culimada islaamka ee arrinkan ?
Culimada islaamku iyagoo ka duulaya fahankooda diinta islaamka, waxa ay caddaymaha masaladan leedahay ka soo dhex saareen fiqiga, iyaga oo labo qolo ku kala noqday masaladan haba kala xoog bataane,waxana ay kala tahay sidan:-
-Culimo bannaysay in qofku xubnahiisa iibin karo, waxana ay daliil ka dhiganayaan:
1- Iyaga oo ka qiyaas qaadanaya in qofka dumarka ahi ay iibin karto caanaheeda, ayaa ay arrinkana banneeyeen, balse waxaa jira aragti ah in caanaha naaska iibintooda iyo iibinta xubin qof nool la isaga qiyaas qaadan Karin, waayo caanuhu waa wax soo noqnoqda haddii uu naaska hooyada iskaga jirana wax yeelaya, halka xubintu iyadu aanay soo laabanayn mar labaad .
2- Waxa ay ku banneeyeen in qofku xubin jidhkiisa ka mid ah iibin karo iyaga oo ka qiyaas qaadanaya in qofku uu mag ka qaadan karo haddii cid kale dhaawac ama waxyeelo u geysato xubin ka mid ah jidhkiisa .
Waxa daliilkanna lagaga jawaabay in ilaalinta dhamaystiranka xubnaha qofka iyo ilaalintooda ay tahay waajib alle ku leeyahay dadka, arrinkana aanu ahayn mid qofku doorashu ku leeyahay isaguna aanu isu geysan dhibka, waxana uu noqday sida deyn cid kale uu ku leeyahay markaasna uu dhaafi karo ama ka qaadan karo .
3- Qiyaas ku salaysan in addoonka la iibin karo, haddii qof dhammaystiran la iibin karana badhkiisna ay bannaantahay.
Xaaladda addoonimadu waa arrin gaar ah, waxana keensata maslaxadda uu qaddarayo hoggaamiyaha muslimiintu, ta kale islaamku waxa uu dhiiri-geliyay in la xoreeyo addoomaha isaga oo kafaaro gud uga dhigay dambiyo badan, sida dhaar ku furka iwm. iibinta addoonkuna ma aha in aanu xuquuq lahayn ama ay bannaan tahay in lagu tunto ama lagu jeesjeeso, islaamku waxa uu qofka dhirbaaxa addoonkiisa kafaaro uga dhigay in uu xoreeyo. xadiis ayaa macanahiisu ahaa: kiina uu walaalkii ku hoos jiro ( addoon u yahay ) ha quudiyo waxa uu cunayo, ha u xidho waxa uu xidhanyahay, hana ku kallifina wax ka awood badan, haddii aad u dirtaana caawiya.
Culimadaasi waxa ay ku doodeen daliiladaas in kasta oo laga xoog badanyahay haddana aynu eegno culimada diiddan arrinkani waxa ay caddaymo haystaan .
Daliillada culimada diidaya in qofku xubin iibin karo :-
1-in xubnaha qofku aanay ahayn hanti qofku iska leeyahay, diintuna aanay u ogolaan in uu iibiyo, waxa ay noqonaysaa sida qof iibinaya wax aanu lahayn .
2–in ay tahay is dullayn iyada oo alle sharfay. waxa ay fiqi-yahannadu badankoodu ku sababaynayaan xaaraantinimada arrinkan inay ay kasoo horjeedo ujaadada sharciga, meel ka dhacna ku tahay abuurka Alle, waxa uu yidhi shiikha la yidhaahdo CALAA AD-DIIN AL XASFAKI marka uu ka hadlay waxa aan la iibin karayn: Waxa ugu horreeya ee aynu u leexanayna, waa in aynu ka baadhno xukunka arrinkan diinta islaamka, aadamiga ma bannaana in la iibiyo gaalba ha noqdee .
AL SHAADIBI waxa uu ku qoray kitaabkiisa AL MUWAAFAQAAT 2/374 sidan: in la nooleeyo nafta iyo ilaalinta dhamaystiranka caqliga iyo jidhka waxa uu ka mid yahay xaqa ilaahay ku leeyahay addoomada kama mid aha xuquuqda addoomaha…haddii alle u dhammaystiray qof noloshiisa, jidhkiisa, caqligiisa uu ku helayo inuu ku qabsado waxii laga doonay uma bannaana in uu dayaco .
RAWDAT ADD DAALIBIIN 3/285: uma bannaana in uu naftiisa wax uga jaro mid kale, mid kalena uma bannaana sidani. MUQNI AL MUXTAAJ 4/400 : waxa si adag u xaaraam ah in uu qof u jaro badhkiis qof kale oo dhibban.
Dhakhtarka weyn ee muslimka ah ee DR MOHAMED ALI AL BAAR waxa uu majallada AL MAJMAC cadadkeedii 4aad bogga 1aad ku qoray: waxa ay fiqi-yahannadu isku raaceen in aanay bannaanayn iibinta xubnaha ee qofka xorta ah.
WD: Ibraahim Warsame