Waxan jeclahay in aan maqaalkaan si guud ugu dulmaro soo ifbixii bangiyada islaamka iyo sawir noocee ah ayay tusinayaan, maxayse kaga badbaadeen dhaqaale burburka ka dhacaya aduunkan.
Markan eegno, hab-dhaqan-dhaqaalaha bangiyada islaamiga ah iyo kuwa aan islaamiga aheyn, farqi weyn baa u dhexeeya, qaabka ay u shaqeeyaan, hab-dhaqankooda iyo macaamilka bulshada, taasoo keentay kala duwanaanshaha faa’iidada ay helaan, waa labo nidaam oo kala duwan oo mid walbo heer u gaara uu ku shaqeeyo, waana kala faa’iido badan yihiin.
Bangiyada Islaamigu uma shaqeeyaan sida kuwa kale ee aan islaamiga aheyn sida magacaba ay ugu kala duwan yihiin ayaa shaqadooduna u kala gedisantahay, Bangiyda ku dhaqama nidaamka islaamiga ah way ka faa’iido badan yihiin kuwa aan islaamiga aheyn ee aan kala soocin xalaasha iyo xaaraanta ee ku shaqeeya dulsaarka iyo nidaamyada qariban, bangiyada nucaas ah ee qaabkaas u shaqeeya waa kuwa mar walbo qasaara.
Nus qarni kahor bangiyada nidaamka islaamiga ka shaqeeyaayi waxaa dad badan u arkaayeen wax riyo maalmeed ah, mantase waxay noqdeen nidaamyada maaliyadeed ee ugu koboca badan uguna faad’iidada badan, looguna hadal haynta badanyahay, ilaa dadyowga aan muslimka aheyn ay ku dhaqmaan oo ay ku dabaqaan systemkooda, kadib markii ay la dhaceen bangiyada islaamka iyo faa’iidadooda.
Nidaamka Bangiyada Islaamiga ahi, mar walba waa uu ka kalsooni badanyahay kuwa aan islaamiga aheyn marka la fiiriyo nidaamkooda maaliyadeed ee aduunka. Bangiyada islaamku waxay kutalaabsadeen horumar lixaad leh, inkastoo ay caalamka kucusubyihiin hadana waxay leeyihiin raad dib ugu laabanaya soo ifbixii diinta islaamka.
Waxa ugu wayn ee bangiyada islaamku kaga duwanyihiin bangiyada kale waa ku dhaganaanshaha iyo dabaqida nidaamka shareecada islaamku udajiyey oo ah kafogaanshaha ribada iyo waxkasta oo diinta islaamku xaaraantimaysay.
Hanti walboo xaaraan laga ilaaliyo, aqoonna lagu dhaqo way kortaa oo kobacdaa, sidaa daraadeed, bangiyada raaca dhaqan-dhaqaalaha maaliyadeed ee shareecada islaamku jidaysay ma khasaaraan, faa’iidadooduna mar walbo way jiraysaa intiiba ay shaqadooda socoto.
Tusaale, Waxaa inoogu filan oo xusid mudan dhaqaale burburkii soo wajahay caalamka dabyaaqadii sanadihii 2007- 2009 iyo saameyntii tabaneyd ee 2010 ilaa 2011 soo gaartay dhaqaalaha caalamka iyo tan maantadan ka taagan wadamada reer galbeedka sida tan heysata Greece iyo wadamo kale oo lamid ah, xiligaasi adkaa ee aan kasoo hadalnay, bangiyada Islaamka waxay u ahayd xiligii ay ugu koboca iyo faa’iidada badnaaayeen.
Taariikh ahaan haddii aan fiirino, soo ifibixii bangiyada islaamka, Bangigii ugu horeeyay ee islaami ah waxaa laga furay magaala layiraahdo Mit-Qamar oo kutaala dalka Masar 1963, inkastoo bangigaas uuna mudo dheer siijirin hadana waxaa lasheegaa mudadii yarayd ee uu jiray inuu soojiitay dareenka bulshawaynta reer Masar waxaana lasheegaa inuu soojiitay macaamiil ka badan 1 million.
Taariikhyahanada Maaliyadda islaamku waxay sheegaan in isku dayga bangigaas iyo laba isku day oo kahoreeyay oo laga hirgaliyay dalalka Malaysia iyo Pakistan ay dumiyeen Darbigii Khayaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa yagleelida nidaam maaliyadeed oo kusalaysan shareecada islaamka.
Kadib iskudaydaas aan sare kuxusay waxaa xigay in albaabada loo furo bangiyo dhawr ah oo ay ugu horeeyeen Dubai Islamic Bank oo laga furay maagalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta, Faysal Islamic Bank oo laga furay Masar iyo Sudan 1977, Islamic Bank of Jordan iyo Islamic Bank of Bahrain 1978/9, dhammaan bangiyadan waxaa dhiirogaliyay iskudayadaas hore, iyo yagleelidii Hormarinta Bangiyada Islaamka (Islamic Development Bank) 1973 dii.
Soo shaacbaxa nidaamka maaliyadeed ee islaamka waxaa xigay baraarug siyaasadeed, sida shirkii Wasiirada arimaha dibadda ee dunida Islaamka oo kadhacay Magaalada Dekar ee dalka Senegal April 1978 ayada oo lagu gorfeeyay in Wadamada Islaamku si qunyar-qunyar ah u hirgaliyaan nidaamka bangiyada Islaamiga ah waxaa xigay shirkii lagu qabtay Islamabad, Pakistan May 1980 oo lagusoo bandhigay talaabooyinkii xigi lahaa si loo meelmariyo qaraarkii shirkii lagu qabtay Dakar 1980kii Shirkii Sadaxaad wuxuu kaqabsoomay Makah iyo Dhaif, sucuudi carabiya 1981 Shirkan oo diiradda lagusaarayay sidii Dunida Islaamku uyeelan lahaayeen xiriir Ganacsi iyo Wadashaqayn.
WD: Ibraahim Warsame