Duniddu waxa ay soo martay marxalado kale duwan oo dhaqan dhaqaale oo marba waxa la tijaabinayay aragti cusub oo dhaqaalaha dunidu isticmaalo, midkastana waa laga gudbayay marka ay sidii la rabay noqon waydo, ilaa waqti xaadirkan lasoo gaaray nidaamka dhaqaale ee fashilka ku dhaw ee lagu magaabo ” hanti-goosadka”.
Dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda dunida ka jiraa waxay umuuqdaan in aanay xalkeeda haynin dugsiyadii kala duwanaa ee aragtiyaha dhaqaale ay ka yimaadeen (schools of Economic thoughts), balse dhaqaalaha islaamka ayaad ka dhex arki kartaa balan-qaadyo rasmi ah oo ku saabsan xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee mustaqbalka.
Dhaqaalaha islaamku waa fikrad jirtay xilliyo hore balse aad moodid inuu dunidda aan muslimka ahayn uu ula muuqdo fikrad cusub oo kaba fiican afkaartii dhaqaale ee kala danbaysay ee ay soo saareen dhaqaalayahanadoodii.
Waxa iyana jira ilaa hadda jaamacado ka badan 30 oo bixiya heerarka waxbarasho ee kala duwan ee degree ilaa PHD, sidoo kale waddamada reer galbeedka ardaydooda qaar ayaa buugga qalin-jabintooda ku qora mawduucyo ku saabsan dhaqaalaha islaamka, isla wakhtigan ayuu dhaqaalaha islaamku marayaa marxalad xasaasi ah oo haddii aqoonyahanka islaamku ay ka hawlgalaan uu noqon karaa fikrada dhaqaale ee dhammaan dunida hogaamisa.
Bilyaneerka lagu magacaabo “Ray Dalio” oo leh shirkad bixisa maal-galinta lacagaha xaddigoodu badan yahay ayaa waxa uu sheegay inuu nidaamkii dhaqaale ee hanti-goosadku uu wakhti xaadirkan umuuqdo mid fashilmaya isla markaana uu kacdoon danbe oo dhaqaale imanayo.
Waxa iyana iska cad in kala saraynta dhaqaale ee dunidu ay wakhtigan aad usarayso, walibana uu yahay mid sannadba sanadka ka danbeeya sii kordhaya, islamarkaasna dhaqaalaha ku salaysan ribaddu aanu marnaba ahayn xalka saxda ah ee dunida ujihayn kara baraare guud iyo koboc dhaqaale intaba.
Dhaqaalaha islaamka oo zako ahaan uqaada 2.5% xoolaha uu qofku leeyahay sannadkii ayaa hadda dunidu u aragtay inuu yahay xalka yarayn kara kala saraynta dhaqaale ee bulshada. Dhaqaalaha islaamka ayaa ah ruuxda kaliya ee wakhti xaadirkan soo noolayn karta dhaqaalaha dunida ee sii dhimanaya, waana ereyo aad ku arki kartid inay adeegsanayaan qoraayada ka hadla arimaha dhaqaaluhu, waxaana ay sidoo kale leeyihiin kaliya maaha xeerar islaamku isticmaalo ee waa xeerar ilaa wakhtiyadii nabi Ibraahiim(CSW) la isticmaali jiray taas oo ay dhaafinayaan xilliyadii uu noolaa Nebbi Muxamed (NNKH). Balse islaam ahaan waxa aynu aaminsanahay in nidaamka dhaqaale ee islaamku uu la bilaabmay abuurkii dunida.
Xigasho: Hadh wanaag news
WD: Ibraahim Warsame