Daraasad lagu sameeyay qaar kamid ah dalalka qawaaniinta noloshooda ay u eg yihiin habka Islaamku u nidaamayay nolosha balse iyagu aan aheyn Islaam ayaa waxaa lagu ogaaday sida ay noloshoodu tahay dhinacyada dhaqaalaha iyo amaanka.
Daraasadan oo ay sameeyeen aqoonyahano Mareykan ah 2014, ayaa waxaa lagu ogaaday in dawladaha nidaamka islaamka noloshooda ku habeeyay iyagoon haddan ahayn dalal islaam ah ay ka amaan iyo nolol wanaagsan yihiin dalalka kale. Waxa kale oo cajiib noqotay in 30 dawladood ee ugu horeeya liiskan midkoodna aanu ahayn dawladaha Carabta iyo kuwa kale ee Muslimiinta ah.
Daraasadda ayaa sheegtay in dalba kan uu u kaga badan shuruucda uu ka soo qaatay shareecadda Islaamka ay u kala horeeyaan nolosha.
Waxaana kaalmaha hore daraasaddan ka galay dalalka Japan, Irland, Sweden iyo dawlado kale oo u badan oo Yurub ah.
Islaamku waa diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:
Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)
Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigeenna NNKH ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo. (Axmad 2712)
Ma aheyn arrin si kedis ah ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna NNKH tahay: Iqra (Akhri),
Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuunta nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenna NNKH yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)
Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga
Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna NNKH sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685)
WD: Ibraahim Warsame