Barashada abuurta Alle iyo dheefsigooda ayaa lagu gaaraa horumar dhanka adduunka ah, jidka lagu bartaana waa aqoonta aynu hadda ku magacawno sayniska. Abuurka Alle, noole iyo manooleba, oo loo fiirsado, loo kuurgalo,tijaabooyinna lagu sameeyo si wax looga barto, iyada oo la adeegsanayo hannaan sugan ayaa lagu tilmaamaa saynis.
Dad badan oo innaga mid ah waxa aad mooddaa in ay iska dhaadhiciyeen in saynisku yahay hanti ay si gaar ah u leeyihiin gaalada iyo reer Galbeedku.
Waxaa la yaab leh in isla dareenkani uu ka jirey qaaradda Yurub markii ay ku jirtey Xilliyadii Madoobaa (Dark Ages) ee Muslimiintu ay hogaaminayeen aqoonta sayniska.
Xilligaas in badan oo reer Yurub ka mid ahi sayniska buufis ayey ka qabeen iyaga oo uga carari jirey in uu yahay wax Muslimiintu wataan! Aqoonta sayniska ee maanta adduunka taallaa waa waayo aragnimo iyo garasho daafaha dunida laga uruurinayey ilaa iyo bilowgii nolosha aadanaha, cid gaar ahina ma laha.
In kasta oo Qur’aanka iyo Sunnadu wax badan innaga bareen abuurista Alle, haddana ujeeddadoodu ma aha in ay saynis inna baraan ee waa in ay innagu hanuuniyaan xaqqa iyo jidkii aynu ku caabudi lahayn Alle- kor ahaaye-.
Waxa ay inna baraan xuquuqda la innagu leeyahay iyo sidii aynu u gudan lahayn. Diintu waxa ay qaabaysaa oo ay hagtaa fekerkeenna iyo aragtiyaheenna. Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– ayaa innoo kala saaray.
Sida la wada ogyahay magaalada Makkah ma lahayn beero oo waa dhul aad u kulul aadna u qallalan oo buuraleey ah. Reer Makkah aqoon wanaagsan uma aysan lahayn beeraha iyo qaabka loo fasho.
Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– iyo saxaabadu markii ay Madiinah u hijroodeen, ayaa uu Nebigu- sallal laahu calayhi wasallam– arkay beeraleydii oo geedihii timirta qaybtii labka ahayd iyo tii dhedigga ahayd isku bacriminaya. Markaas ayuu yiri “u malaynmaayo in ay wax tarayso”.
Saxaabadii beeraleyda ahayd markii ay warkii maqleen waa ay joojiyeen, taasina waxa ay sababtay in dalaggii timirtu ka xumaado. Markii Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– loo sheegay ayaa uu u sheegay in ay aragti uu istusay ka ahayd uuna yahay bashar, ee wixii uu Alle ka soo gudbiyo ay tahay in ay qaataan, wixii kale ee aragti shakhsiyeed ahna uu bashar u yahay ee sidaa loo la socdo.
Waxa uu ku sii daray “Idinka ayaa iiga aqoon badan arrimaha adduunkiinna.” Waa xadiis saxiix ah oo uu weriyey Imaam Muslim.
Culumadeenu aqoonta waxa ay u qaybiyaan labo: mid lagu garto u fiirsasho, u kuurgelid, tijaabo, adeegsiga caqliga, iyo khibradda (sida xisaabta, caafimaadka, beeraha, dhar samaynta, guryo dhiska, iwm), iyo aqoon ku saabsan Alle iyo shareecadiisa; maxaa xalaal ah, maxaa xaaraan ah, maxaa iska bannaan, xiriirka Alle iyo addoonkiisa u dhexeeya, xiriirka qofka iyo dadka kale u dhexeeya, iwm.
Diintu faahfaahin ka ma bixinin sidii aad guri u dhisi lahayd, laakiin waxa ay sheegtay marka aad guri dhisaysid in aadan khiyaano samaynin, in aadan dadka kale dhulkooda ku xadgudbin, in aad xaqqa deriska ilaalisid, in aad shaqaalaha xaqooda siisid, iwm.
Aqoonta koonkan iyo waxa ku dhex jira ee isheennu qabato ama aynu maqli karno ama aynu taaban karno waa wax u fiirsasho, u kuurgelid, iyo tijaabo lagu ogaan karo. Waa halka aqoonta saynisku ka shaqayso.
Garashadeeduna ku ma xidhna diinta oo gaal iyo Muslim ba waa loo siman yahay. Iyada oo ay taasi jirto, haddana maanta waxaa aqoonta sayniska calanka u sida hoggaankana u haya Alle-diid.
Miyaysan wax la la yaabo ahayn innaga oo mu’miniin ah in aynu barashadii iyo u kuurgalkii abuurista Alle faraha uga qaadno mid aan Alle jiritaankiisaba ogolayn?!
Imaam Shaafici ayaa laga hayaa in uu yiri: “Aqoontu waa labo: aqoon diineed iyo mid adduunyo. Aqoonta diintu waa fiqhiga, aqoonta adduunyaduna waa caafimaadka.”
Waxaa kale oo laga hayaa in uu yiri: “Xalaal iyo xaaraanta kaddib, ma ogi aqoon ka sharaf badan caafimaadka. Laakiin Ehlul Kitaabka ayaa innooga awood batay”. Sidaas oo kale waxa uu yiri: “Waxa ay dayaceen [Muslimiintu] saddex meelood meel aqoontii waxa ayna u talo saarteen Yuhuudda iyo Nasaarada.”
Markii aynu dayacnay aqoontii oo aynu ka hawlgabnay ayaa aynu ku meeraysanaynaa “gaalaa sidaa tiri” iyo “waxaan diintu sheegin naga la tag” Koonkan Alle abuuray baaxaddiisa marka la eego, dayuxu waxba innoo ma jiro.
Diirad (telesecope) awood fiican leh haddii aad haysatid wax badan baad dayaxa oogadiisa ka baran kartaa.
Midda madoobaadka dayaxa iyo qorraxduna waa sidaas oo kale oo kumanaan sano ayaa la ogsoonaa sida ay u dhacaan. Culumada Islaamkuna ma diiddana oo qaar ka mid ah kutubtooda ayaa ay ku qoran tahay iyaga oo sheegaya in aysan cilmul qayb ahayn ee lagu ogaan karo xisaab.
Dadka sidan u hadlaya marka xanuun qabto waxa ay aad ugu dedaalaan sidii ay u heli lahaayeen dawada ugu fiican ee waxa haya ka bogsiin karta. Isma weydiiyaan ma gaal baa sameeyey mise Muslim, ma aqoon gaal baa lagu sameeyey mise mid Muslim? Isma weydiiyaan aayadda iyo xadiiska daliilka u ah in dawada loo soo qoray ay wax ka qaban karto dhibta haysa.
Diintu waxa ay u soo degtay in ay dadka hagto oo ay ku hanuuniso jidkii Alle- kor ahaaye- u doortay. Waxa ayna leedahay axkaam ay ku kala caddayso wixii bannaan (xalaal) iyo wixii aan bannaanayn (xaaraan).
Waxaa jirta qaacido ah: asal ahaan wax kastaa way bannaan yihiin, In la yidhaahdo waxaasi ma bannaana oo waa xaaraan, ama waa waajib in la sameeyaa waxa ay u baahan tahay daliil diinta ka yimid.
Wax aan daliil loo cuskado loo haynin in waajib laga dhigo ama la xaaraantimeeyo waa Alle in lagu been abuurtay.
WD: Ibrahim Warsame