Isku soo Bax looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil, laguna taageerayo Midnimada iyo Wadajirka Umadda Sommaliyeed oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Jowhar(Wargeyska Dalka):-Magaalada Jowhar, Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa si weyn uga socda Dibad bax ballaaran oo Shacabka Magaalada ay uga dhiidhinayaan gardarrada Israa’iil iyo faragelinta ay ku hayaan kala-goynta Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ku nool Magaalada Jowhar ayaa Maanta Banaan baxaan ku muujiyay sida ay uga go’an tahay inay difaacaan Midnimada Dalka, iyagoo cambaareeyay faragelinta Dibadda iyo isku dayga lagu wiiqayo Madax-bannaanida Soomaaliya.