Nabigeena Csw ayaa sheegay in Malakul Jabriil Cs sida igala dardaarmay xuquuqul jaarka iyo in mar kasta laga warqabo la xiriiriyo Ayaan mooday in jaarka leys dhaxli doono.
Nebi Muxamed Csw ayaa yiri wallaahi aamini mayo 3jeer, wuxu ku darey ruuxa Shartiisa ka nabad gelin deriskiisa, Carabkiis a iyo Gacantiisa, taasoo micnaheedu yahay in uusan dhibin deriskiisa, uusan ku seyrin khashinka iyo wasaqda, isla markaana ka ilaaliyo qaylada, aflagaadada, xanta,dirirta dulmiga ah ee ciyaalka iwm.
Qof kasta waa in uu la socdaa xaaladda deriskiisa uu ku sugan yahay dhib iyo dheef, marka jaarku ay la soo deristo xaalad caafimaad darro ee qof ka xanuunsado waa in la booqdaa, marka qof ka geeriyoodo derisku waa in la raaca janaasada.
Waa in aad ka taxaddirtaa deriskaaga oo aan waxba heysan adna caruurtaada dherjiso, waa arrin aad u khatar ah.
Sidaa darteed, la soco jaarkaaga waxa uu ku sugan yahay oo ha ku naar gelin, dad badan ayaa dhaylsada xaaladda deriska uu ku sugan yahay oo dan ka gelin, ogow ruuxa sooma, salaada,sekada bixiya balse deriskiisa qadayo lana socon xaaladdooda ama caado ka dhigta dhibaateyntooda, kaasi haku bushaareysto Naar.
Ogow ciyaar ma ahan xaqa jaarku kugu leeyahay, mana ahan ciyaar ciyaar arrinta xuquuqul jaarka ayaa si weyn uga digtay.
Nebi Muxamd Csw. Jaarka kugu dheggan, Jaarka kugu dhow iyo midka kaa fog xiriiri salaantana ku bade, mida kale, ruuxa kharaabada kula ah ee hadda kula jaarka ah waxa uu kugu leeyahay 3 xuquuqood:
- Waa midda Derisnimada ah,
- Waa tan Muslinnimada,
Waxaa laba xuquuq kugu leh kan Jaarka kula ah, Muslimkana ah, sidoo kalena Waxa hal xaq kugu leh ruux gaal ah oo kula deris ah.
WQ: Ibrahim Abukar Cali