Ishii Buktaay ku bikaacso (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa hadal heyn weyn ka jirtay soo bilaabashada Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku maqnaa Dalka Eretareeya, kuwaasi wel wel weyn ku haayay Waalidiin badan oo Ubadkooda ay la daristay Hubanti la’aan noloshooda ah muddo dhowr sanadood aheyd, wax badanna looga wada hadlay sidii ay ku baxeen iyo ujeedada laga lahaa intaba, ugu dambeyntiina waxaa so af jaray arrimhaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay Dhallinyaraasi iyagoo Ciidan Soomaaliyeed ah iman doonaan Dalka Dhammaadka Bisha Disimber ilaa horraanta Bisha Janaayo ee sanadaka soo socda ee 2023-da, waana soo bilowdeen, maalmahaan oo dhan ayay ka soo degaayeen Garoonka aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana la dhihi karaa waxa uu fuliyay Madaweyne Xasan Shiikh Ballankii uu ka qaaday Waalidiinta.

Ciidamada lagu soo tababaray Eretareeya ayaa isugu jira Ciidanka Lugta, Badda, Cirka iyo Farsamo yaqaanno dayactira Gawaarida, Doonyaha iyo Diyaaradaha yar yar, waxayn qabaan tababar aad u adag, waxaana laga filaa inay aqoontii ay soo barteen ay ku dabaqaan dagaalada haatan ka socda Dalka ee lagula jiro Kooxda Argagixsada ah ee Shabaab.

Imaashada Ciidan waxaa ugu horreyntii ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay inay dhawaan dalka soo gaareen qeybtii ugu horeysay ciidammadii tababarka ugu soo dhamaaday dalka Eritrea, wuxuuna xusay in Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Mxamuud uu dadaal badan ku bixiyay sidii ciidamadasi dalka dib loogu soo celin lahaa, si howlgallada socda uga qeyb qaadan lahayeen, isagoona timaamay in maalmaha soo socda la soo dhammaystiri doono ciidammada wali ku haray Dalka Eritrea.

Imaanshaha ciidammadan ayay fursad wanaagsan u tahay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, islamarkaana ay sii ballaarinayso jabka gaaray bilihii u dambeeyey, Ciidammadan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaasi, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkooda uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waxaa xor, galmudug waxyar ayaa nooga dhiman , Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyay, kuwo kale hadda ayaa u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa hadalkaasi sheegay mar uu khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta

Dhinaca kale Ciidanka xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab, isagoo Taliyaha ciidanka Lugta General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay dagaalkaasi ka dhacay Ceel-Bacad,wuxuuna intaa ku daray in ay tiro intaa ka badan lagu  dhaawacay dagaalkaasi, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in ay socdaan howlgallo isdaba jog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta,isagoo ku taliyay in kooxahaasi ay isa soo dhiibaan inta goori goor tahay,si ayuu yiri loo badbadiyo dhallinyarada la marin habaabiyay.

Wararka laga helaayo Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegaya inay Lix Xubnood oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka looga dilay meel Magaalada Muqdisho dhinaca waqooyi kaga beegan qiyaastii 240km, kana tirsan Deegaan ahaan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Xoogga dalka iyo Xoogagga dadweynaha ayaa dhawaan gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab, sidaasina waxaa SONNA u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood, una  xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada muhiimka ah ee  Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus, Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.

Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta, la wareegga Ciidanka waxay sii dhiirigalineysaa in loo sii gudbo wajiga labaad ee Dagaalka ka dhnka ah Khawaarijta, kaasi oo ka bilaabanaya Gobolada Galguuud iyo Mudug.

Waxaa kaloo jira howlgallo kale oo ka socda Gobolka Shabeelada Hoose, kaasi oo maalmahaan sii laba lixaadsaday, waxaa ujeedkiisu yahay ina dib loogala wareeggo kooxda Khawaarijta deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi, waxaa socda dadaal la isugu furaya Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose, maadaama horey la isugu furay Gobolada Hiiran, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir.

Hadaba maadamaa ay jiraan guulo waaweyn ee laga gaaray goobo badan, laguna xoreeyay goobo iyo Deegaanno badan, ayna waxaa soo bilowday Ciidamadii tababarka u jiray Dalka Eretareeya, qaarkoodna ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, una diyaar ah ka qeybqaadashada Dagaalada ka socda Dalka ayaan waxaa dhihi kartaa ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.