ISBEDELKA DABEYSHA SIYAASADEED EE CAALAMKA

Ma kula tahay in caalamka ay ku soo wajahnaan karto dabeyl cusub oo siyaasadeed marka la eego sida ay haatan wax u socdaan iyo dhaqanka hannaanka siyaadadda caalamka oo yeelaneynsa wejiyo cusub wax yar ka dib dagaalka Gaza iyo dagaalkii hore uga socday Ukraine.

Haatan sideedii maaha siyaasaddii hoggaaminta caalamka ee Ruushka iyo Mareykanka iyadoo macno hor leh laga qaadanayo waxa loo yaqaano Dimoqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha waayo arrimahan ayaa u muuqda in cid walba sida ay dooneyso ay u fasiraneyso.

Mareykanka wuxuu qabaa in Ruushku ku xadgudbay Ukraine markii uu weerar ku qaaday uuna ka geystay Duqeymo xoog leh dhulal hore Ukraine loogu yaqaanayna uu ka dhisay maamulo isaga la jira.

Dhanka kale waxaa Iyana suaalo laga keenay sida Mareykanku haatan uga falcelinayo dagaalka Gaza ee u dhaxeeya Israa iil iyo Falastiiniyiinta oo si aan gambasho laheyn Mareykanku taageero ugu siinayo Israil waxa ay ka waddo Gaza oo dhimashadu cagacageyneyso 12 kun oo qof ayna u badan yihiin carruur iyo dumar.

Sidoo kale carada ugu badan waxay ka imaaneysa duqeymaha dhulka rayidku deggan yahay , xeryaha qaxootiga iyo isbitaalada taas oo haatan dalalka Yurub iyo Mareykanku aanay il wwanaagsan ku eegeynin.

Waxaa sii xoogeysanaya dalal badan oo hore Mareykanka ugu tiirsanaa siyaasad ahaan oo ay ku jiraan dalal carbeed oo haatan meelo kale sida Shiinaha isbaheysi ka raadinaya iyadoo saameynta Shiinaha ay sii kordheyso.

Marna laguma fekerin in Sacuudigu ka biyo diidi doono dalabkii Marykanka ee ahaa in uu kordhiyo wax soo saarkiisa shidaalka xilli ay Ruushku kor u qaadeen sicirka gaaska ay ka iibiyaan Yurub markii caadda uu marayey dagaalka Ukraine oo haatan arrinta Gaza ay qarisay.

Marna laguma fekerin in Iran ay soo dabci doonto ayna hashiis ka qaadan doonto dalalkii carbeed ee ay qaarkood isdidanaayeen sida Sacuudiga .

Waxaase kaba sii yaab badneyd markii Shiinuhu heshiisiiyey Iran iyo Sacuudiga markii Sacuudigu bilaabay in uu yareeyo ku tiirsanaantii faraha badneyd ee Mareykanka .

Mareykanka laf ahaantiisa waxaa uu yareeyey kaalintiisii bariga Dhexe taas oo laga garan karo hadal uu jeediyey Barak Obama xilligii uu madaxweynaha ahaa oo uu ku yiri; bariga dhexe waa laba uun in aad taageerto xukuumado kelitalis ah ama argagixiso, taasna haatan mareykanku ma daneynayo, sidauu yiri.

Waxa xigay kacdoonkii gugii Carabta oo la yiraahdo Mareykanka iyo Israil kama marneyn oo daaha gadaashiis ayey ka maamulayen kaas oo keenay in Madax badan oo carbeed oo qaarkood dhib ku ahaayeen Mareykanka iyo Israil ay Meesha ka baxaan kuwaas oo ay ku jireen Madaxweynihii Libya , Maxamed Mursi iyo kuwo kale .

Markii Iran soo dabacdayna Mareykanka fallaar kale oo ku taagneyd ayaa ka fuqday laakiin weli waxay arkayaan Saameynta Xasan Nasrullah oo sii kordheysa kaas oo lagu tiriyo dadka gacan saarka ugu weyn la leh Iran.

Qaramada Midoobay oo u muuqatay ururuka ugu weyn ee isku hayey siyaasadda caalamka ayaa haatan u muuqan kara in aanu lahym awooddii tirade badneyd wax badan oo laga aaminsanaa ooah xuquuqda Aadanaha , nabadda iyo dejinta xiisadaha markaa taagan  ayaa haatan u muuqanaya mid aan tabar badan laheyn oo aan si dhab ah uga jawaabi Karin waxyaabaha falcelinta u baahan ee taagan .

Dalal aan hore loo fileyn ayaa qeybaha ay deggan yihiin saameyn ku yeelanaya sida Isbaheysiyada Ruushka, Koofur Kuuriya, shiinaha,Siiriya iyo kuwo kale.

Sidoo kale waxaa soo baxaya siyaasado dhaqaale iyo doon doonis istarateejiyo dekado  iyo ciidanka iyadoo dalal ay ku jiraan Shiinuhu ay saldhigyo ka dhigteen dalal kale iyagoo saameyn raadinaya.

Dagaalkii qaboobaa waa isbedelay oo haatan kuwo qaab kale ah ayaana soo baxaya waxaana haatn dunidu arkaysaa dagaalka siyaasadeed oo xitaa si dadban warbaahinadu uga qeyb qaadanayaan waayo tusaale ahaan CNN ,SKY NEWS iyo ALJAZEERA isku qaab ugama hadlaan dagaalka Gaz .

Sidoo kale dad badan oo Israaiiliyiin ah ayaa Iyana haatan ka aamin baxay Xukumadda Israil oo aaamini weysan wixii dhacay iyo sida mar kaliya uu hoos ugu dhacay hankoodii dhinaca ammaanka oo ay arkeen sidaloo daba maray sirdoonkii awoodda badnaa ee Israil.

Taas ayaa keentay in tiro aadu badan oo Israaiiliyiin ah ay ka guuraan dhulkii la soo dejiyey ee dhismeyaasha looga sameeyey  halka uu sii xoogeystay cabsida ay qabeen oo ah in dhulkan oo ay la deggan yihiin Carabta aanay aamini Karin.Marka si fiican loo eego waxaa muuqda isbedel in u uku soo socdo hannaanka siyaasadda caalamla (World Political Order) laakiin weli lama oga qabka ay wax noqon doonaan.

WQ; Maxamed Shiil Xasan