Maalmaha caadiga ah ee sannadka kasta ayaa badiyaa ku iman wax isbeddelka ah sicirka waxyaabaha quutul daruuriga ah sida: Caanaha, Sonkorta, Burka. timirta qudaarta iyo furutada, balse xilliga ay soo gasho bisha barakeysan ee ramadaan ayaa markiiba waxaa isbeddel ku yimaada sicirka lagu kala iibsado waxyaabaha daruuriga ah suuqyada.
Waa arrin aan horay u jirijirin marka aad u fiirsato ka hor soddon sano.
Waa dabeecado soo kordhay oo aan qiil loo heli Karin, waxay ahayd in Bishan aysan waxba lagu kordhin qudaarta caanaha , hilibka iwm.
Maadaama bisha soon ay tahay bil cibaado ay muslimiintu gudanayaa waajib, waa bishii naxariista ajirka dambi dhaafka iyo ka xoreynta naarta.
Xilliga bisha ramadaan lagu jiro waxaa muslimiinta laga doonayaa in ay il gaar ah ku eegaan dadka aan heli Karin wax ay ku afuraan.
Waa xilli ay tahay in laga warqabo jaarka leysku naxariisto leysna ogaado oo leysla socdo sida xaaladda deriska uu yahay goor walba.
Waxaa kaloo habboon in la saacido dan yarta masaakiinta fuqurada iyo kuwa liita sida dadka ku jira xeryaha barakacayaasha
Ruux kasta waa inuu maanka ku hayaa in uu si wacan uga faa’iideysto bisha tan ee barakeysan ee fadliga badan oo qof kasta uu la baxo saddaqo.
Waa bil sannadkiiba mar na so marta oo kheyr badan laga kasbado, waa bishii qur’aanka kariimka ah bil ay ku jirto habeen ka fadli badan ama ka kheyr badan kun habeen.
Micno ma sameyneyso in faa’iido dheeri ah laga raadiyo Bishan oo kor loo qaado sicirka quutul daruuriga iimaan ka allaha nageliyee waa wax aan laga heli Karin ajir in dadka muslimiinta ee sooman lagu dhibo kala iibsiga waxyaabaha soonka aan looga maarmin.
Waxaa jira dad badan oo dan yar ah mana ahan in la dhibaateeyo laguna ciriiriyo sicirka ma reebana naxariista bishani u naxariisto kuwa dhulka jooga si lagaaga naxariisto samada marna ha moogaan in aad ka fikirto aakhiradaada oo waxba ha u arag adduunyo oo maalmo kooban ah.
Ha ku kadsoomin ee dadka halaga daayo dhibka nooc kasta uu yahay inta lagu jiro bisha tan ee ramadaan si markaasi muslimiinta sooman ee soomaalida iyo kuwa dunida muslimka ay u gutaan waajibkooda diiniga ah.
Wa billaahi towfiiq ilaahey hana garad siiyo kheyrka wanaagga iyo jidka toosan
WQ: Ibraahin A. Fanax