Isbaheysiga Yeman oo sheegay in ku dhawad 200 oo ka mid ah Xuutiyiinta lagu dilay weerarro ka dhacay dalkaas.

Isbaheysiga Taageera Ciidamada Dowladda Yeman ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay fuliyeen 42 weerar oo lagu bartilmaalmeedsanayay Maleeshiyadka Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada Sirwaax ee galbeedka Ma’rib iyo Al-bayda oo iyadana dhanka koonfureed kaga beegan Ma’rib.

Maanta ayuu Isbaheysiga sheegay in howlgalkan  lagu burburiyay 17 ka mid ah gaadiidka dagaalka, laguna dilay 186 ka mid ah maleeshiyaadkii u dagaalamayay Kooxda Xuutiyiinta.

Sidoo kale, furimaha koonfureed ee Marib ayaa Sabtidii shalay waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta, halkaas oo la sheegay in lagu jibiyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Koonfurta Mariib ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarro ay maleeshiyaadkaasi ku soo qaadeen, iyagoo isku dayay inay dib u soo ceshtaan goobo horay loogala wareegay.

Ilo-wareedyo gudaha Yeman ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaad badan oo u dagaalamaya Xuutiyiinta la dilay, Iyadoo  sidokale Ciidamada Isbaheysiga ay burburiyeen Taangiyo iyo tiro kamid ah gaadiid dagaal oo ay wateen Xuutiyiinta.