Isbaheeysiga NATO oo sheegay in Ciidamadooda ay ku jiraan diyaar garow Dagaal

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg, ayaa Maanta oo Arbaca ah, sheegay in ciidamada isbaheysiga NATO, ay ku jiraan diyaar garow  dagaal oo buuxa.

“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga, Ciidamada uu Maraykanku u dirayo Yurub waa fariin adag, dalalka Bariga Yurub waa qayb muhiim ah oo kamid ah isbahaysiga” ayuu yiri: Jens Stoltenberg oo ah Xoghayaha Guud ee NATO.

Xoghayaha ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karto Duulaanka ciidamada Ruushka ay ka wadaan gudaha  Ukraine, isagoona carabka ku adkeeyay in waddamada NATO ay sii wadi doonaan taageerida Ukraine.

Wasiirrada gaashaandhigga ee NATO, oo uu hoggaaminayo xoghayaha difaaca Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa ka wada hadlay meel marinta balan qaadyada Ururka ee ku aaddan tageerada Ukraine.