Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera waxaa lagu daabacay warbixin qoto dheer oo uu qoray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Aadan, taas oo lagu soo bandhigay isbeddelada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka ka hirgalay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intii uu xilka hayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixintu waxay tilmaantay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo madax-bannaanida qaranka, howlgallada la dagaallanka argagixisada, qabyo-tirka dastuurka iyo horumarinta dalka

🔹 La-dagaallanka Argagixisada:

Warbixinta Afhayeenka waxaa lagu sheegay in Dowladdu ay qaadday howlgallo waaweyn oo lagu xoreeyay drrgaanni badan oo dalka ah.

Afhayrrnku waxa uu sheegay in la fuliyay in ka badan 1,100 hawlgallo milatari, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 5,500 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha argagixisada.

Dagaalkaas oo ay barbar socotay cunaqabataynta dhanka dhaqaalaha ee argagixisada ayaa warbixibtu waxay xaqiijisay in la xiray 800 xisaab-bangi oo lagu helay in maalgelinta falalka argagixisada.

🔹 Dhanka Ka Faa’iidaysiga Kheyraadka Dabiiciga ah:

Dowladda ayaa bilowday qorshayaal rasmi ah oo ku saabsan baarista saliidda iyo gaaska, sida lagu xaqiijiyey warbixinta Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeene Xadaana ayaa Alhazeera u sheegay in la dejiyay nidaamyada sharci iyo mid maamul ee lagu ilaalinayo daahfurnaanta iyo caddaaladda qaybsiga kheyraadka.

🔹 Dib-u-Dhiska Dhaqaale & Maaliyad:

Soomaaliya waxay ku guulaystay in si buuxa looga dulqaado deymaha caalamiga ah bishii December 2023.

Waxaa la qaaday xayiraaddii hubka ee saarneyd dalka, taasoo fursad u siisay in dib loo dhiso ciidamo qaran oo tayo leh.

🔹 Horumarka Dastuuriga & Dimuqraadiyadda:

Waxaa la dardar geliyay dhameystirka dastuurka federaalka si loo helo nidaam sharci ah oo qaran.

Waxaa la shaaciyay qorshe lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

🔹 Soo Celinta Doorka Soomaaliya:

Soomaaliya waxay ku biirtay Ururka Bariga Afrika (EAC) si ay u xoojiso xiriirka gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxay heshay xubinimada ku-meel-gaarka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo muujineysa kalsoonida caalamka ee Soomaaliya.

🔹 Arrimaha bulshada;

Dowladda waxay kordhisay tirada macallimiinta iyo fursadaha waxbarasho, iyadoo xooga la saarayo meelaha ay adeegyada ka liitaan.

Waxbarashada waxaa loo arkaa mid laf-dhabar u ah nabadda, shaqo abuurka iyo ka qaybgalka bulshada.

Gunaanad: Warbixintan uu qoray Afhayeenka Madaxtooyada waxay muujineysaa in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u dhis qaran, oo lagu guulaystay dadaallo isku dhafan oo dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda ah.

Inkastoo caqabado ay jiraan, haddana waxaa muuqda rajo iyo jihayn cad oo ku aaddan sidii loo gaari lahaa dal xasilloon, midaysan, kana faa’iideysta khayraadkiisa, isla markaana kaalin muuqata ku yeesha dunida inteeda kale.