Magaalada muqdisho waxaan nabad-galyadeeda la wareegay ciidamo cusub oo dhallinyaro ah, aadna u firfircoon oo durbadiiba ay wax-qabadkooda dadweynuhu ku diirsadeen, Ammaan iyo bogaadinna dowladda iyo dadkaba ka kasbaday.
Waa askar iyo saraakiil waajibaadkooda sidii ay u gudan lahaayeen u heellan oo har iyo habeenba xasilinta magaalada iyo dhowridda bed-qabka shacabka qoraxda iyo qarqaryada u taagan, faltankoodana ay bulshadu mahdisay.
Dhiirigelin iyo dhinac-istaag mooyee ciidankaasi wax dhaliila ma mudna, dadweynahana waxay u la dhaqmaan si tix-gelin iyo naxariis leh oo carruur iyo cirrooleba aad loogu wada maqsuuday, loona soo dhoweeyay.
Isku kalsoonaanta shacabka iyo ciidanka ayaa iyana xoogaysatay oo mar walba waxaad arkaysaa askar si waji furnaan iyo bashaashnimo ku jirto muwaadiniinta ula hadlaya, haddana waajibkiisa gudanaya.
Wada shaqayntaas iyo is aaminaaddaa bulshada iyo daljireyaasha ka dhex jirtaahi waa mid nabad-galyada iyo dowladnimadaba wax badan u taraysa, Hayeeshee waa tii la yidhi”geeljire geela waana wada jirtaa, waana kala jirtaaye” waxaa loo baahanyahay inay ciidanku aad u taxadaraan oo aanay shacabka isku kala daadin maxaa yeelay waa lagu soo dhex dhuuman karaa.
Markaa waxaa wanaagsan inay feejignaan muujiyaan oo ayagoo bulshada aad ugu naxariisanaya, haddana dhagar-qaba u soo dhabacanaya iska jiraan oo dhug gaar ah u yeeshaan.
WQ: Abwaan Hareeri