IOM iyo World Bank oo mashaariic ka fulinaya gobolka Banaadir

Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda IOM oo uu Hoggaaminayay Mr. Bradley David.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo IOM, gaar ahaan mashaariicda IOM iyo World Bank ay ka fulinayaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Kaxda, Garasbaley iyo Dayniile.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adda IOM ayaa isla qaatay in la dardar geliyo hawlaha dib u dajinta iyo taageerada Barakacayaasha ku nool degmooyinkaas, iyo in la abuuro jawi wada shaqeyn isla markaana la joogteeyo qeybaha farsamada ee fulinta mashaariicdaas.